Iyadoo wax ka yar laba isbuuc oo kaliya ay ka harsan yihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya, ayaa waxaa soo baxaya walaac laga muujinayo suurta-galnimada rabshado ka dhasha doorashooyinka.
Iyadoo la xasuusto rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii sida adag loogu tartamay sanadkii 2007 ayaa warbixin uu soo saaray Guddiga Isku Dhafka iyo Isdhexgalka Qaranka ee Kenya lagu sheegay in 53% ay suurtagal tahay in dalka ay rabshado ka dhacaan mar kale.
Warbixinta NCIC ayaa muujisay in 26% dadka Kenya ay aaminsan yihiin guddiga doorashada halka 23% ay aaminsan yihiin garsoorka. Guddiga ayaa dhanka dhawaan liiska ku daray 23 degmo oo loo arko inay ka dhici karaan rabshado inta lagu gudo jiro doorashooyinka.
Rabshadaha ka doorashooyinka ayaa inta badan u dhaxeeya qowmiyadaha la kala safan xisbiyada siyaasadeed ee Kenya tiiyoo ay usii dheer tahay siyaasiyiinta Kenya oo caan ku ah hurinta xasarado siyaasadeed oo salka ku haya cabashooyinka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya qowmiyadaha dalkaasi.
Raila Odinga iyo William Ruto ayaa ah labada musharax ee ugu cad cad ee ku loolamaya madaxtinimada dalkaasi.
Axmed Dhaqane, Hortabin Media