Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo dhowr dal oo Afrika ah socdaal ku maraya ayaa ka degay dalka Uganda. Waa safarkii saddexaad ee uu Afrika ku tagayo si uu u xoojiyo xiriirka qaaradda, isla markaana uu taageero uga raadiyo cadaadiska reer galbeedka ee ku aaddan duulaanka Moscow ee Ukraine.
Lavrov ayaa booqday dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Jamhuuriyadda Kongo isagoo socdaalkiisa Uganda kadib booqan doono dalka Itoobiya. Socdaalka wasiirka arimmaha dibada ee Ruushka ayaa u muuqda mid ujeeddadiisu tahay raadinta taageerada iyo xulufeysiga dalalka Afrika maadaama Moscow ay cadaadis xooggan kala kulmeyso dalalka reer galbeedka.
Lavrov ayaa ku ammaanay waddamada Afrika madaxbannaanida ay heleen, waxana uu si kulul u weeraray waddamada reer galbeedka ee ka macaashay gumaysigii hore ee Afrika.
Axmed Dhaqane, Hortabin Media