Zlatan Ibrahimovic ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Milan. 40-sano jirkaan ayaa fure u ahaa guulaha kooxda tan iyo markii uu ku soo laabtay San Siro bishii Janaayo 2020 markii labaad. Tababare Stefano Pioli ayaa si weyn mar kale ugu tashanaya weeraryahanka xilli ciyaareedka soo socda.
Heshiiska ayaa lagu soo waramayaa in xiddiga heerka caalami ee reer Sweden uu jeebka ku shuban doono aduun gaaraya 1.5 milyan oo Yuuro ah oo mushaar ah iyadoo sare u kaci doonta haddii uu gaaro bartilmaameedyada ay kooxdu dooneyso in ay gaarto.
Milan ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku xaqiijinayso shuruudaha cusub ee Ibrahimovic, kaasoo u qornaa: “AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo cusbooneysiinta qandaraaska Zlatan Ibrahimović ilaa June 30, 2023.
“Weeraryahanka reer Sweden waxa uu sii wadan doonaa xirashada maaliyadda 11.”