Sir Mo Farah oo sheegay in uu ku faraxsan yahay talaabada ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku shaacisay inaanay wax baaritaan ah ku sameyn doonin isla markaana aan lagala noqon doonin dhalashada UK.
Xiddigga Olombikada ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Ingiriiska ku qaatay magaca Maxamed Faarax.
Maxamed Faarax ayuu orodyahanku sheegay in uu ahaa magaca ay u bixiyeen dadkii sida sharci darada ah ku soo galiyay UK.
Muna Cabdi, Hortabin Media