Muhammad A. Aziz oo si khaldan muddo 20 sano ah ugu xirnaa loogu dilka hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah ee Malcolm X ayaa dacwad ku furay magaalada New York iyo saraakiishii ku lug lahaa baaritaanka kiiskiisa.
Muhammad A. Aziz oo hadda ay da’diisu tahay 84 sano ayaa dhanka kale dalbaday magdhaw gaaraya $40 milyan.
Qareenada u dooday Muhammad A. Aziz ayaa dacwad ka furay maxkamadda degmada Brooklyn taas oo ujeedkeedu yahay sidii magdhow lacageed loogu heli lahaa 84-jirkan oo muddo dheer si khaldan ugu xirnaa fal uusan isagu geysan.