Safarka Qar-iska tuurnimada ah ee Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi galbeed Cabdiraxmaan cirro uu ku tagay Israa’iil ayaa ku soo aadaya xili xaaladda Bariga Dhexe ay marayso marxalad aad xasaasi u ah, isla markaana ay sii xoogeysanayaan dagaallada iyo loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka, sida qubaradu sheegayaan socdaalkan ayaa dhalin kara cawaaqib siyaasadeed, ku amni iyo mid diblomaasiyadeed oo ka ballaaran inta maanta muuqata. Inkastoo taageerayaashu u arki karaan tallaabo lagu raadinayo danaha siyaasadeed ee maamulka Hargeysa, haddana waxaa jira su’aalo waaweyn oo ku saabsan kharashka iyo khatarta ay tallaabadani xambaarsan tahay.
Qodobka koowaad Go’doon Buuxa, Booqashadan waxay dhaawac weyn u geysan kartaa xiriirka iyo dareenka is-garab-taagga ah ee ay Somaliland in muddo ka heli jirtay qaar ka mid ah waddamada Carabta iyo Islaamka, gaar ahaan dalalka qaniga ah ee Khaliijka sida Qatar iyo Sacuudiga, waxaa sidoo kale saameyn ay uga iman kartaa quwadaha gobolka sida Masar oo si adag u taageerta qaddiyadda Falastiin. waxaa kaloo dhici kara weeraro laga filan karo Xuutiyiinta yamen, Tani waxay yareyn kartaa fursadaha iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ay mustaqbalka Somaliland ka heli karto dunida Islaamka.
Sidoo kale waxaa muuqata in Fursad Dahabi ah la Siiyay Kooxaha Xagjirka ah inta la saadaalinayoTallaabadani waxay siin kartaa kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab, Daacish iyo kuwo kale qalab borobagaando oo xooggan. Kooxuhu waxay u adeegsan karaan arrintan inay ku xoojiyaan sheekooyinka ay bulshada ku qanciyaan ee diinta la xiriira, iyagoo maamulka Hargeysa ku tilmaamaya “gacanyarayaal shisheeye” ama “wakiillo dano qalaad.” Taasi waxay kordhin kartaa khatarta amni iyo suurtagalnimada weerarro ama abaabul cusub oo ka dhaca deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo, xilli arrintan ay si weyn u diidanaayeen culumada Somaliland., sidaa awgeed waa tallaabo halisteeda wadata.
Geesta kale waxaa in la xuso mudan Sii Fogaanshaha Midnimada Soomaalida, Socdaalkani wuxuu sii adkayn karaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, isagoo meesha ka saaraya kalsooni kasta oo ku saabsan wadahadallada mustaqbalka. Waxa kale oo uu sii xoojin karaa aragtida ah in labada dhinac ay u socdaan jihooyin iska soo horjeeda, taas oo sii fogayn karta xal siyaasadeed oo taabbagal ah, iyo wada hadalo mira dhali kara.
Docda kale Khayaaliga Aqoonsi-beenaadka ee aan Sharciga ku Dhisnayn, Sida qubaradu sheegayaan xaqiiq ahaan Israa’iil uma muuqato mid diyaar garow iyo awood ku bixineysa ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, keliya waa mid eeganeysa danaha istiraatiijiyadeed ee ay leedahay, Sidaas darteed, booqashadani waxaa lagu micneynayaa mid ku ekaan doonta oo qura sawirro, kulammo iyo war-saxaafadeedyo aan dhalin natiijo sharciyeed ama diblomaasiyadeed oo la taaban karo, maaddaama Aqoonsiga caalamiga ahi uu ku yimaado heshiisyo iyo is-afgaradyo heer gobol iyo heer caalami ah, mana aha mid lagu helo booqashooyin astaan ahaan uun u muuqda, taas oo si cad u bidhaamineysa In Tel-aviv ay maaweelineyso Hargeysa.
Waxaa xiiso gaar ah leh Adeegsiga Istiraatiijiyadeed ee Israa’iil,,, Warbaahinta caalamka sida ay tabinayaan Kulankan waxa laga yaabaa in faa’iidada ugu weyn ay hesho Israa’iil, oo danaynaysa ballaarinta saameynteeda gobolka Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Xaaladdan, Israa’iil waxay heli kartaa marin siyaasadeed, xog-ogaalnimo iyo saameyn istiraatiiji ah iyadoo aan bixin kharash muuqda oo siyaasadeed ama dhaqaale, halka dhinaca Somaliand ay dusha u ridaneyso culays walba oo ka dhalan kara falcelinta gobolka, cadaadiska diblomaasiyadeed iyo khataraha amni.
Gabagabadii, xilli gobolka Bariga Dhexe uu ku jiro xaalad kacsan, tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed waxay u baahan tahay dhiraandhirin iyo miisaamid xeeldheer. Sidaa awgeed Haddii aan si ka-fiirsasho leh loo oddorosin faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalan kara, safarka qar-iska-xoornimada ah ee maantana loo arko guul siyaasadeed, wuxuu berri isu rogi karaa culays diblomaasiyadeed, ku amni iyo mid sumcadeed oo muddo dheer saamayn ku yeesha mustaqbalka maamulka iyo shacabka uu matalo hoggaamiyaha xaqiiqadu ka daahantahay ee Hodka ku wada Shacbiga Somaliland.
