Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyada Islaamiga ee Iiraan ayaa cambaareeyay cunaqabateenada cusub ee Midowga Yurub ee ka dhanka ah tiro shakhsiyaad Iiraaniyiin ah iyo hay’ado, isaga oo ku qeexay cadaadisyadan been abuur iyo xoog sheegasho.
Waxa uu ku qoray barta shabakada bulshada ee X: ‘’Maanta, golaha Midowga Yurub, talaabo been abuur ah, waxa ay ku meel mariyeen wax loogu yeeray cunaqabateeno ka dhan ah hay’ado iyo shakhsiyaad Iiraaniyiin ah oo lala xiriirinayo marinka Hormuz. Iyaga midowga Yurub ayaa ah kuwa ugu weyn ee ku xadgudbaya xuquuqda shacabka Iiraan, midowguna uu si kas ah uga aamusnaa xiritaanka ciidamada badda Maraykanku ku sameeyeen Iiraan, taasi oo loo tixgalinayo ficil dagaal’’
Waxa uu intaa ku daray Iiraan in ‘’aysan qayb ka ahayn heshiiska Sharciga Badda. Rajiimka sharciga ee Iiraan ee marinka Hormuz waa ‘’gudbid dambi la’aan’’ marka loo eego si guud sharciga caalamiga ah iyo korjoogteynta badbaadada badda iyo tixgalinada ammaanka ee dowlad xeeb leh’’
Waxa uu ugu yeeray talaabo siyaasadeed, isaga oo sheegay in uusan ka arkin ‘’wax qiimo ah’’ oo talaabadan siyaasadeed ay u leedahay Iiraan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka, waxaana xusid mudan Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
