Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabeyso duqeymaha ay ka geysaneyso xaafadaha koonfureed ee Beirut. Israel ayaa ku sheegtay duqeymahaas in ay jawaab u yihiin jabinta xabbad-joojintii u dhexeysay labada dhinac ee ay ku xadgudubtay Xisbullah.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo la filayo in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Lubnaan, kaddib markii Israel ay ballaarisay howlgalladeeda isla markaana ay la wareegtay qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort ee koonfurta Lubnaan.
Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirka difaaca, Israel Katz, ayaa maanta sheegay in ay amar ku siiyeen ciidanka in ay duqeeyaan xaafadaha koonfureed ee Beirut, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn uga badbaaday duqeymaha Israel.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen raysalwasaaraha iyo wasiirka ayaa lagu sheegay sidan, “iyada oo la tixgelinayo jabinta soo noqnoqotay ee xabbad-joojinta Lubnaan ee Xisbullah iyo weerarrada lagu hayo magaalooyinkeenna iyo muwaadiniinteenna, Raysalwasaare Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Katz waxay amar ku siiyeen ciidamada difaaca Israel ee IDF in ay beegsadaan bartilmaameedyo argagixiso ee ku yaalla xaafadaha koonfureed ee Beirut.”
Kadib markii Israel ay ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso duqeymaha xaafadaha koonfureed ee Beirut, waxaa halkaas ka bilowday in dadka deegaanka qaxaan. Waxaa la arkayay ciriiri xooggan oo ka jiray waddada weyn ee isku xirta xaafadahaas iyo magaalada Beirut, iyadoo qoysas wata carruur yaryar ay alaabtooda la baxayeen.
