Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay imaan doonaan Aqalka Cad toddobaadyada soo socda, xilli Mareykanku uu doonayo inuu dhexdhexaadiyo heshiis nabadeed oo waara.
“Waxay lku qasban yihiin Xisbullaah inay ka fikiraan,” ayuu yiri. “Waxaan la shaqeyn doonnaa Lubnaan si aan u toosinno arrimaha dalkaas”.
“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto wax cajiib ah in arrintan si isku mid ah looga shaqeeyo waxa aan ka sameyneyno Iraan.”
Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan lagu kordhiyay saddex toddobaad.
Arrintaan ayaa dab socota sida uu ku sheegay Trump qoraal uu soo dhigay Social Truth kulan dhexmaray saraakiisha Israa’iil iyo Lubnaan ee Xafiiska Oval, isaga oo tilmaamay in ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio.
