Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa ku celiyay in Lubnaan lagu daro wadahadalka Iran iyo Mareykanka ee heshiiska xabad joojinta ah ee labada todobaad ah, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Washington ay u hoggaansanto “ballanqaadkeeda”.
Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay kanaalka Telegram-ka ee wasaaradda, waxa uu hadalkan ku sheegay mar uu taleefoon kula xiriiray ergayga Iran ee Lubnaan Mohammad Reze Raouf Sheibani.
Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo wafdi ka socda Iran lagu wado inay Sabtida la kulmaan wakiillo ka socda Mareykanka si ay wadahadal uga furmaan Islamabad – balse Tehraan weli ma aysan xaqiijin ka qayb-galkeeda maadaama ay farta ku fiiqday duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan taasoo xadgudub ku ah qorshaheeda.
Bayaan ka soo baxay Tehran iyo Washington ayaa soo jeediyay kala duwanaansho qoto dheer.
