Mareykanka ayaa xiligan doonaya inuu qaado tallaabo sida la filayo uu ka qoomameyn doono, waana mid indhaha ku haya oo damaacinaya gacan ku dhigista Jasiirada Kharg , oo laf dhabar u ah dhaqaallaha Iran,, ahna goob si aad ah loo ilaaliyo.
Haddaba qorshaha Mareykanka iyo natiijada ka dhalan karta inta aynan u guda galay maxey tahay Jasirada Kharg, jasiiradan waa mid aad u yar oo ku taalla Gacanka Faaris, Waxay qiyaastii 20 mayl u jirtaa xeebaha Iran, Sidoo kalana waxey 660 kilomitir waqooyi-galbeed ka beegan tahay marin biyoodka Hormuz,, dhererka jasiiradan waa ku dhowaad 5 mayl, halka ballaceeduna yahay 3 mayl, balse ahmiyada ay ku fadhiso aad bey uga ballaaran tahay cabirkeeda yar.
Jasiirada Kharg, inkastoo ay yar tahay misana waa meel si adag loo ilaaliyo, waxaana si rasmi ah loogu tiriyaa meelaha cayiman ee dalka Iran, taasoo keentay in loogu yeero “Jasiiradda Mamnuuca ah.” tirada dadka ku nool waa kuwo kooban, waxayna u badan yihiin shaqaalaha shidaalka iyo ciidamada, hase ahaatee waa meel aan loo ogoleyn dalxiisayaasha iyo warbaahintaba. muhiimada ay ku fadhiso awgeed.
Jaziiradan Mareykanku damaacinayo waxay iran u leedahay kaalin dhaqaale oo lagama maarmaan ah . waana halbowlaha dhoofinta shidaalka ceyriinka ah ee Iran, iyadoo inta la qiyaaso jasiiradan laga dhoofiyaa boqolkiiba 90% shidaalka dalka Iran.
Xilligan Trump ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu ka fikirayo qabsashada jasiiradda, wuxuuna yiri laga yaabee in aynu hanano,, oraahdiisa waxaa bar bar socda in iminka Maraykanku uu sare u qaadayay joogitaankiisa milatari ee Bariga Dhexe, taas oo ku cadeyneysa in durba Mareykanku uu ku dhaqaaqayo qorshahaasi.
Todobaadyadan Waxaa xowli u socda ciidamada mareykanka ee lagu soo daad gureynayo Bariga dhexe, kuwaas oo aad u hubeysan, ahna ciidamada tababaro kala duwan heysta, waxaana xogaha rasmiga ah ay sheegayaan in ciidamadan ay yihin kuwo si gaar ah loo soo xulay, una diyaar ah fulinta qorshaha qabsadha mareykanka ee Kharg,, waase damac ay adag tahay hirgalintiisa oo ay Isr11L ku riixeyso mareykanka,, sida la tilmaamayana ay jab xogan kala kulmi doonaan Washington.
Indhaweydba Weedhaha ka soo yeeraya Trump ee ku wajahan hankisa hanashasha jasiirada Kharg, ayaa ahaa kuwo muuqday waxaana bidhaaminaya duqeymihii 13-kii bishii la soo dhaafay ee March ay Mareykanku ka fuliyeen Jasiiradan, iyagoo sida ay sheegeen beegsaday in ka badan sagaashan bartilmaameed oo ciidamada Iran ay ku sugnaayeen, oo ay ku jiraan xarumaha lagu keydiyo miinooyinka iyo kuwa badda, waxeyna aqalka cad niyada ku dhisteen in weerarkasi uu “baabi’iyay” bartilmaameed kasta oo militari oo jasiiradda ay lahaayeen ciidamada Iran.
Hase ahaatee sida la rumeysan yahay xaqiiqda ayaa intaasi ka durugsan, jasiiradan waa buqcad aad xasaasi u ah, si adagna ay u ilaaliyaan ciidamada Iran, waxaana sida xogaha rasmiga ay sheegayaan ku wareegsan nidaamyo difaac oo aad xooggan. Weerar kasta oo jasiirada Kharg lagu qaado wuxuu keeni karaa jawaab culus iyo in xiisadda gobolka ay si degdeg ah u sii kacdo, maaddaama ay tahay isha rasmiga ah ee dhaqaalaha Iran., taas oo ilaalinteedu ay tahay biyo kama dhibcaan.
Taabashada Jaziiradan ee Mareykanka ayaa ka dhignaan karta in maalmo ka qaraar kuwii hore uu cagaha la galo dagaalka ka socda bariga dhexe, waxana markan uu si toos ah dagaalka u saameynayaa mareykanka, sida warbaahinta caalamka laga dheehan karo waxaa qeylo dhaan muujinaya inta badan siyaasiyiinta iyo quburada Mareykanka, kuwaas oo ku baaqaya in Trump uu qorshahan dib uga dego.
Sida la saadaalinayo, Haddii Trump uu weerar ku qaado jasiiraddan, hawlgalkaas-ha ahaado mid cirka iyo badda ah—wuxuu khatar ku noqon karaa amniga Mareykanka. U dhawaanshaha Jasiiradda Kharg ee dhul-weynaha Iran waxey iran uga dhigan tahay mid cadowgeed usoo dhaweysay, iyadoo fursad u heleysa in ay adeegsato diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ridada gaaban.
Geynta ciidamada Mareykanka ee Jasiiradan, waa mid qasbeysa in ciidankaasi ay u nuglaadaan weerarada Iran, waxaana sida qubarada ay tibaaxayaan adkaan doonta in mareykanku uu dib u soo celiyo ciidamadaasi, kuwaas oo muddo halkaas ku xayirnaan kara, marka la eego istaraatiijiyada dagaal ee Iran, waxana taasi ay saamaxeysa in khasaare ba’an halkaasi lagu gaarsiiyo ciidamada mareykanka.
Sidoo kale yoolka Mareykanka ee qabashada Jasiiradan ayaa saameyn ku yeelan doona Saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Bahrain, Kuwait, iyo Qatar, kuwaas oo dhamaantood in ka badan 100 mayl u jira jasiirada Kharg, taasoo ka dhigaysa inuu weerar la kulmi karo markab kasta oo aggaasi isticmaalaya, sidoo kale. Iran iyo xulafadeeda waxay buqcadahaasi dhigi karaan miinooyin dhulka ama waxay gantaalo ku garaaci karaan maraakiibta adeegsaneysa Gacanka Faaris iyagoo isticmaalaya waxa loogu yeero maraakiibta kaneecada, oo ka kooban weerarro yaryar oo lo isticmalayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo noocyada kala duwan ee gantaalada.
Qorshaha guracan ee Trump ayaa dhanka kale Iran siinaya fursad ay kaga aargoosan karta xarumaha saliida iyo gaaska ee gobolka, taasoo sare u qaadaysa khasaaraha Mareykanka israa’iil iyo xulafadooda, waxana xusid mudan in durba uuu bur bur soo gaaray Dhowr goobood oo bariga dhexe ku yaalla.
Si kastaba Haddii jasiirada Kharg ay noqoto goob dagaal, saameynta arrintaasi kuma koobnaan doonto Iran oo keliya. balse waxaa si weyn u gil gilan kara Suuqa shidaalka ee caalamka, iyadoo qiimaha shidaalkuna uu si degdeg ah u kacayo. duulaanka mareykanka ee jasiiradan ayaa geesta kale keeni kara in xiisadda Bariga Dhexe ay isu beddsho dagaal ballaaran oo ay ku lug yeeshaan quwado dunuda ugu awooda badan.
