Inkastoo Laftagareen laga itaal roonaaday misana waxaa kordhaya khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay gudaha deegaanada Koonfur Galbeed, waxana dagaalku uu sababay dhaawacyo fara badan, iyadoo dad badana ay ka qaxeen aqaladooda.
Howlwadeen ka shaqeeya Isbitaalka Guud ee gobolka Bay oo diiday in magaciisa la sheego ayaa warbaahinta u sheegay in 25 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray xabbado iyo walxa qarxa la geeyay cisbitaalka, shan ka mid ah dhaawacyada la geeyay Isbitaalka ayaa qaba dhawaacyo halis ah.
Sidoo kale waxa Isbitaalka la geeyay labo qof oo mayd ah oo ay xabbado ku dhaceen, waxaana xusid mudan in Muqdisho loo soo qaaday dhaawacyadii ciidamada dowladda, balse ilaa iyo iminka ma jiro tiro koob rasmi ah.
Dhanka kale, qoraal uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini’aadantinimo.
“Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul—kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba’an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini’aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo.
