Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa ku tilmaamay dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan inuu yahay “khalad siyaasadeed oo culus” isla markaana uu jebinayo sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Jarmalka ayaa sidoo kale ugu baaqay Yurub inay iska xoreyso ku tiirsanaanta ay ku leedahay Maraykanka.
Hadalkan, Steinmeier wuxuu ka qaatay mowqif ka duwan kan dowladda Jarmalka, taas oo ilaa hadda ka gaabsatay inay dagaalka ku tilmaanto mid jebinaya sharciga caalamiga ah.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Johannes Wadephul, ayaa ka digay in xiriirka u dhexeeya Berlin iyo Washington—oo ah xulafada ugu muhiimsan ee Jarmalka—uu la kulmi karo “isbeddel weyn,” iyadoo loo sababeeyay dagaal uu ku tilmaamay “aan loo baahnayn” oo ka dhan ah Iiraan.
