Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa barqonimadii maanta gaaray Dalka Tanzania halkaas oo uga qaybgalayo shir madaxeedka meertada 25aad ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas, waxaa loo gudbiyay goobta lagu qabanayo shirka halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika.
Kulanka waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeedin doonnaa khudbad ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka.
Waxaa intaas kulamo doceedyo uu la yeelanayo Madaxda Dalalka ee bahwadaagga ku yihiin Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC si ay uga wadahadlaan xoojinta iskaashiga iyo danaha ka dhaxeeya dalalkooda iyo Soomaaliya.
