Ka dib markii ay soo baxeen falal isdabamarin lacageed ah oo ay ku kaceen tiro yar oo ka mid ah Soomaalida Maraykanka, maamulka Trump iyo dad taageersan dhaqdhaqaaqa MAGA waxa ay bilaabeen in ay si shaacsane ah weerarro afka ah ugu qaadaan bulshada Soomaalida ah. Geesku, waxa uu Axmed Yuusuf ka waraystay saamaynaha xaaladdan iyo sida Soomaalida Maraykanku ula dhaqmi karaan colaadda sii kordhaysa.
Kolkii la shaaciyey in Soomaaliya qabanayso madaxnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, waxa la filayey in falcelintu mid dabiici ah noqoto. Waa hoggaamin si bille ah xubnaha Goluhu isugu beddelaan, iyadoo la raacayo jid hore usoo jiray. Hase ahaatee, arrinkan loo arki lahaa meerto xileed haayad ka dhex jirta, ayaa isu beddelay jeesjees ay masuuliyiinta Maraykan iyo shakhsiyaadka siyaasadeed ee awoodda lihi, siiba kuwa taageersan MAGA ay kula kacaan Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Jeesjeeskan waxa udubdhexaad looga dhigay tilmaanta soojireenka ku noqotay Soomaaliya ee ah inay tahay dal guuldarraystay, oo loo adeegsaday in sharciyadda kaalinteedan meesha lagaga saaro, haba ahaato kaalin aan saamayn dhab ah ku lahayn shaqada dhabta ah ee Golaha e, isla dhinaca kalena waa jeesjees loo adeegsaday in shaki la geliyo sharciyadda Qaramada Midoobay guud ahaan. Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Mike Waltz ayaa si cad baraha bulshada uga dhaliilay Qaramada Midoobay, isagoo metelaya olole ka shaacbaxay masuuliyiinta Maraykan dhexdooda. Walow uu qirsanyahay in madaxnimadani meerto bille ah tahay, haddana waxa uu bartiisa X ku baahiyey hadal ah: “Ceebaha Qaramada Midoobay waxa ka mid ah in xil loo dhiibo dalal iyada oo aan la eegin xaaladda amnigooda gudaha”. Waa hadal maldahan oo si toos ah ugu socda, isagoo muujinaya in ka qaybgalka Soomaaliya ee meertadani keliya aanay dhif ahayn ee ay xitaa macnodarro tahay.
Jeesjeeska iyo maadsigu waa uu dhaafay kanaallada rasmiga ah, waxaanu taageero ka helay haldoorka taageersan Trump. Bilyanneer Elon Musk ayaa isaguna bartiisa X ku qoray: “Soomaaliyana waxa ay bishan soo socota noqon doontaa madaxa Golaha Ammaanka! La yaab weynaa!”. Isla hadalladan iyo dhaliilahan waxa soo celceliyey maalqabeenno kale oo Trump taageersan, sida Bill Ackman, oo jeesjeeskan mid la mid ah soo dhigay, iyagoo dhammaan ka maadsaday madaxnimada meertada ah ee Soomaaliya u qabatay Golaha Ammaanka.
Weerarradan afka ah waa in aan loo fahmin jeesjees keliya oo laga gudbayo, keliyana ku wajahan Soomaaliya, ee waa dhaqan ka tarjumaya dhaqan-siyaasadeed gudeed oo si abaabulan loola beegsanayo Soomaalida Maraykan – oo weerar lagu yahay dhaqankooda, ahaanshahooda iyo dhaxalkooda, sumcaddoodana lagu xumaynayo. Dhaqdhaqaaqa MAGA waxa uu dhaliilaha Soomaaliya u adeegsadaa in uu marmarsiiyo ugu helo dadnimotirka Soomaalida Maraykanka, bulshadanina waxa ay hanjabaado joogto ah kala kulmaan masuuliyiinta MAGA, waxaana dabka kusii shiday maalqabeenno Maraykan oo awood leh.
Laga soo bilaabo kolkii uu Donald Trump maamulka siyaasadeed soo gaadhay sannadkii 2016, waxa uu hiraal u noqday, haddaanu ahaynba qofka gacanta midig ku haya, weerarro siyaasadeed oo lagu hayo jaaliyadda Soomaalida ah ee Maraykanka. Hadalladiisa iyo siyaasadahiisubana waxa ay marar dhawr ah dadka ku kiciyeen Soomaalida, isagoo Soomaalida ka dhiganaya tusaalaha ugu habboon ee ololihiisa si guud uga dhanka ah socotada iyo Islaamka. Ma aha xaalad ku-meelgaadh ah, laguna sheegi karo uun “olole Trump”, ee waa jid joogto ah oo xujooyin aan sal adayg lahayn lagu raadsado, dhibaato xoogganna ku ah nolosha Soomaalida Maraykan.
Sannadkii 2017, Soomaaliya waxa lagu daray dalalka xayiraadda safarka uu Trump saaray, oo si guud loogu fasiri karayey “xayiraadda Muslimiinta”, lagana mamnuucay soo gelidda Maraykanka. Siyaasaddani waxa ay kala jajabisay qoysaska Soomaaliyeed, waxa ay hakisay waxbarashadii ardayda, si ku meelgaadh ahna waxa ay u joojisay dib-u-dejintii qaxoontiga. Muddadii u dhaxaysay 2018 iyo 2019, Trump waxa uu marar dhawr ah bulshada Soomaalida ah ee qaxoontiga ah la xidhiidhiyey argagaxiso iyo musuqmaasuq, siiba bulshada Minisoota, hadalladan oo xoojiyey sawirrada khiyaaliga ah ee laga haysto bulshada Soomaalida ah lagana aaminay bulsho asal ahaan shaki leh.
Weerarrada Trump waxa ay sii xoogaysteen sannadkii 2019, kolkan oo uu si gaar ah u weeraray xubinta Koongarayska, Ilhaan Cumar, oo ah Maraykan asal ahaan Soomaaliya kasoo jeedda, isagoo isku soo baxyo siyaasadeed kaga dhawaaqay “ku celiya dalkeedii”. Intii uu ku gudo jiray ololihii 2020, Trump waxa uu sii waday ka faa’idaysiga qaddiyadda Soomaalida Maraykanka, isagoo ka dhigtay agab cadaadin siyaasadeed u ah, siiba Minisoota, oo uu ka dhigay bulsho weerar ku ah tirada bulshada iyo dhaqankaba. Weerarradani waxa ay figta gaadheen kolkii uu bishii Diisambar ee 2025 uu Trump ku tilmaamay Soomaalida “qashin”, kuna dhiirrigeliyey “ku laabashada dalkoodii” iyo “wanaajinta” Soomaaliya, oo iyana ku tilmaamay meel ah “cadaabtii ifka”.
Isla wakhtigan, Guriga Cad ee Maraykanku waxa uu shaaciyey in uu dib u eegis ku samaynayo qorshayaal dhalashada lagaga xayuubinayo Soomaalida Maraykanka ee lagu eedeeyey isdabamarinta iyo hakinta 185 milyan oo doollarka Maraykanka oo ka mid ah kaalmada federaalka ee daryeelka carruurta oo loogu talogalay Minisoota – waana tallaabooyin si guud loo arko inay dabada ka riixayaan sababo cunsuriyadeed iyo siyaasadeed. Isla wakhtigan, wakaaladaha fulinta xeerarka socdaalka ayaa u diyaargaroobay inay hawlgalladooda ku ballaadhiyaan gobolkan jaaliyadda ugu badan ee Soomaalida ahi ku noolyihiin.
Tallaabooyinkan oo isku tagay waxa ay muujinayaan jaangooyayaal gundhig u ah: dadnimotir, soo rogidda siyaasado ciqaab ah iyo weerarro cunsuriyadeed oo lagu beegsanayo Soomaalida Maraykanka – siiba kuwa Minisoota – iyadoo ujeeddadu tahay helidda taageero siyaasadeed. Marar dhawr ah ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar sidan looga faa’idaystay, iyadoo astaan looga dhigay cabsida iyo saska guud ee laga qabo socdaalka, Islaamka iyo aqoonsiga dhalasho. Saamayno xunxun baa kasoo gaadhay Soomaalida Maraykanka, ololayaashanina waxa ay keeneen in cabsidu laba jibbaaranto, dhaleecayn gaar ah bulshada lagu nabo, la kulankooda takoorkuna kordho. Jaaliyadda Soomaalida ayaa looga faa’idaystay in olole doorasho lagu galo. Maraykanka ka sokow, heer caalami ahaan, hadallada Trump waxa ay xoojiyeen sawirrada xun ee Soomaalida laga haysto, iyo bulshadan lagu nabo fashil, qas iyo qalalaase.
Kolka qodobbadan laga duulo, weerarka dhaqdhaqaaqa MAGA ku hayo Soomaalida, oo ay taageerayaan ololaha siyaasadeed iyo maalqabeenno waaweyni, waxa lagu tirin karaa qayb ka mid ah dagaal dhaqan oo sal ku leh sababo cunsuriyadeed, kuna dul wareegaysa qodobbada awoodda maamul, aqoonsiga iyo cidda xakamaynaysa sheekada la tabinayo. Jeesjeeska lagu nabayo Soomaaliya ma aha tuhunka Qaramada Midoobay, ee waa mid ku eeg dhaqan-siyaasadeed Maraykan ah oo raaxo ka dayay quudhsiga iyo liididda: haayado caalami ah iyo jaaliyado awood aan lahayn, oo jiritaankoodu gilgilayo aragti cidhiidhi ka haysata ahaanshaha iyo aqoonsiga.
Si aynnu u fahanno weerarkan lagu hayo Soomaalida Maraykanka, Bahda Tifaftirka ee Geesku waxa ay waraysi la yeesheen Axmed Yuusuf, qoraaga Soomaali-Ameerikaanka ah, isagoo ka warramay saamaynaha dhacdooyinkan, iyo sida Soomaalida Maraykanku ula dhaqmaan dhibaatadan.
Bahda Tifaftirka: Intii uu socday shirkii golaha wasiirradu, labadii Diisambar, Madaxweynaha Maraykanku, Donald Trump, waxa uu qaxoontiga Soomaalida ah ku sheegay “qashin”. Adigoo ah cilmibaadhe arrimaha soo dhawaynta iyo la falgelinta nafsadeed ee qaxoontiga, sidee dadnimotirkani u saamaynayaa badqabka nafsadeed iyo dareenka nabadeed ee bulsho kasoo carartay dalkoodii oo dumay, dib-isu-yagleelidna kasoo doontay Maraykanka?
Axmed Ismaaciil Yuusuf: Iyadoo la adeegsanayo haybaddii Maraykanka iyo awooddiisa, hadallada kasoo baxaya madaxweyne awooddaas ku leh dunidu waa kuwo dhab ahaantii yeelanaya saamayn burburinaysa nafsadda bulsho wax badan oo hore soo dhibtootay, se ku badbaaday ka go’naan iyo dhabar-adayg. Waxa nasiibdarro ah in Soomaalidu wax badan isku dayeen inay ka baxsadaan tagtadoodii, iyagoo kolkan naawilaya ugu yaraan badbaadada carruurtooda. Sidaas darteed, si kastoo bulshadani u dhabar adaygtay, haddana in masuuliyadda dhakada laga saaro, waa wax kusoo celinaya xusuus xanuun badan, iyadoo toosinaysa doogtii dhaawaca. Sidoo kale, waa hadal albaabada u furaya colaadin ka ballaadhan intan, iyadoo hadallada madaxweynaha looga faa’idaysanayo ku waxyeellaynta carruur Soomaali-Ameerikaan ah oo aan dhib gaysan, da’dii waxbarashadana ku jira. Waa hadal rukhsad siinaya takoor iyo ku xadgudub, waana wax bilaabmayba.
Bahda: Maamulku waxa uu si cad u adeegsanayaa qaddiyadda isdabamarintii lagu sameeyey barnaamijka “Quudinta Mustaqbalkeenna”, isagoo cudurdaar uga dhiganaya “hawlgalka xoojinta nabadgalyada magaalooyinka waaweyn” iyo xoojinta dabagalka. Sidee bulshada Soomaalida ah ugu suurogalaysaa inay codsato islaxisaabtan lagu sameeyo falalkaas isdabamarinta ah ee shakhsiyaadku ku kaceen, si aan xukuumadda loogu oggolaan inay dambiyadan ka dhigato hub wadarta bulshada lagu ciqaabo, oo isir dhan lagu beegsado?
Axmed: Magangelidda garsoorka ama codsashada islaxisaabtan waa wax hadda u muuqda arrin adag. Dhinac marka laga eego, dambiga waa la galay, haba koobnaadaan tirada Soomaalida gashay e. dhinacyadii fursad-sugayaasha ahaana waxay fursad dhaleecayn u heleen bulshada. Natiijadu kolkaa waxa ay noqotay, in koox cunsuriyiin ah, oo beddelidda sheeko-tabinta u janjeedha, suurad-xumaynta bulshadana rabaa, ay fursad heleen.
Dhinaca kale, hubkan loo adeegsaday isirka iyo bulshada dhammi waa uu kala dhantaalmay, dhawr sababood dartood: B) nasiib wanaag, inta badan masuuliyiinta gobolka Minisoota, dariska iyo saaxiibbada damiirka nooli waxa ay garab istaageen jaaliyadda Soomaalida. T) Soomaalidu waa ay midaysanyihiin, waxaanay ku hubaysanyihiin awoodda garsoor iyo jidadka u furaya isdifaaca nafeed. J) Sooyaalka ayaa sidoo kale Soomaalida la jira. Dadku Maraykanku waa dad kasoo kala jeeda usuul Ayrlaan, Talyaani, Maksiko, iyo usuul Afrikaan. Markhaatiyadii sooyaal ee ugu dambeeyey waa xayiraaddii isir ee 110,000 Ameerikaan asal ahaan Jabbaaniis ah la saaray; la xidhay, la gaajaysiiyey, la takooray, laguna sameeyey xadgudub iyo dhac, sannadkii 1942-kii.
Bahda: Hadda waxa aynnu aragnaa warbixino sheegaya in bulsho Soomaali-Maraykan ah oo Miniyaabulis ku sugan ay baasaaboorradooda sitaan wakhti kasta, si ay uga baaqdaan in si khalad ah wakiillada ICE u xidhaan. Aragtidaada, ma kula tahay in jinsiyadda Soomaalida Minisoota noqotay mid shardi ku xidhanyahay ama heerka labaad ee muwaddinnimada ah?
Axmed: Maya, marnaba ma aha. Muwaaddinnimada Maraykan hoos uma dhicin, oo Soomaaliduna ku jiraan, kaalinteeduna may wiiqmin. Se shakhsiyadda iyo ahaanshaha Soomaaligaa la kulmaya weerar, waana dhibaato wakhti cayiman ku eg. Dhanka kale dhidibbada dastuur waa kuwo adag, si kastoo marar loogu ciyaaro. Dhaleecaynta Soomaalidu la kulmayaan waa wax meesha ka baxaya.
Bahda: Waxa jirta sheeko kusoo xoogaysanaysa baraha bulshada, oo ah in dhaqanka Soomaalidu “aanu waafaqsanayn” heshiiska bulsho ee Maraykanka. Sideed uga jaawabaysaa xujada ku doodaysa in weerarka hadda socdaa aanu keliya siyaasad ahayn, ee uu yahay dagaal dhaqan ah oo aan la is waafajin Karin?
Axmed: Sheekooyinka warbaahinta muxaafidka ah ee sumaysani ma laha sal iyo raad, dooddeedana waxa ay lumi doontaa kolka beenteeda la caddeeyo. Haddii dhabnimo feker ku jirto, waxa ay sheegi lahaayeen hal’abuurnimada Soomaalida iyo qiyamkooda diineed ee muxaafidka ah, oo ah isla sifooyinkay ku baaqayaan. Habdhaqannada bulsho ee xasadka ku salaysani waa kuwo wax burburinaya. Annagoo haysanna taageerada isbahaysina, si dhammays ah baannu diyaar ugu nahay waajihidda dagaalkaas.
Bahda: Hoggaanka jaaliyaddu waxa ay ka doodayaan inay habboontahay hoggaaminta iskusoobaxyo bulsheed, waana wax maamulku uga faa’idaysan karo inuu xujo uga dhigto faragelin dheeraad ah oo “amni”, amaba in jaaliyaddu qaadato istaraatiijiyadda ka aamusidda. Waa maxay dhibaatada saykoolaji ee ka aamusku keeni karaa, se ma jiraa jid saddexaad oo bulshadu xuquuqdeeda ku raadsan karto, iyadoon ku dhicin dabin siyaasadeed?
Axmed: Maahmaah baa tidhaahda: “Nin aan hadlin, hooyadiina qadisay”, sidaas darteed ka aamusku waxa uu ka dhiganyahay isdhiibid. Ma habboona in qofku rasaasta isu dhiibo. Isma dhiibayno, inta awooddayada ahna cod waanu samayn. Haa, jid saddexaad wuu jiraa: isdhiibid, se kaasi ma aha dhaqan Soomaali. Soomaalinnimada dhabta ahi waa ereyadii gabyaa Faarax Nuur
Bahda: Tobanaan sanno, Minisoota waxa ay halbeeg dahabi ah u ahayd dib-u-dejinta qaxoontiga iyo isdhexgalka. Iyadoo xukuumadda federaalku isku ballaadhinayso hadda meelo sida: Cedar-Riverside, heshiiskaas bulsho ee muddada soo jiray, una dhexeeyey maamulka gobolka iyo jaaliyadda Soomaalidu miyuu dumay, mise “isdhexgalka Minisoota” waa mid aan liicayn, si kastoo federaalku usoo faragashado?
Axmed: Soomaalidu maanta waxa ay noqdeen qayb aan ka soocmi karin Minisoota. Waxa intan dheer, hal-ku-dhigga soo dhawaynta qaxoontigu waxa uu ku dhashay isla gobolkan. Minisoota waxa ay albaabada u furtay Yurubiyaankii Bari, sannadkii 1945 iyo Fiyeetnaamkii 1975, Hmong ee siddeetanaadkii, iyo bulshooyin kaleba, inta badan Soomaaliduna waxa ay yimaaddeen sagaashanaadkii.
Intan waxa kale oo dheer, siyaasiyiin cadcad buu gobolkani yeeshay, oo dhinaca xuquuqda rayidkana boos weyn ka galay, sida Walter Mondale iyo Hubert Humphrey, oo ahaa awoodda sharci ee ka dambaysay xaqiijinta saamiga qaxoontiga Maraykanka ee sannadlaha ah. Sidaa darteed, arrinku kuma koobna Soomaalidu ma samatabaxayaan, ee xitaa waa ay horumarayaan. Kacdoonkan siyaasadeed ee federaalka ahina waa uu soo afjarmi doonaa, oo waa wax ku eg maamulka jira.
