Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno dhaca Duleedka Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Ciidanka Danab ayaa la sheegay in ay heleen xogo muujinaya in deegaannada ay howlgallada kawadaan isku uruursanayaan xubno katirsan ‘AS’ waxa ay wararku intaas ku darayaan in ay wehliyaan ciidamo kooban oo katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Howlgalka oo isugu jira mid miino baaris ah oo waddooyinka muhiimka ah looga baarayo walxaha qarxa iyo mid ay ciidamadu ku tagayaan Tuullooyinka ayaa soo billowday gelinkii dambe ee Isniinta sida ay sheegeen ilo wareedyo.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka wadeen Gobollada Jubbooyinka, saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada ayaa guullo ka sheegtay howlgalladii ugu danbeeyay ay sameeyeen.
