Waxaa la waayay Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda ee Bobi Wine kaddib markii la sheegay in ay wadeen Ciidamo si gaar ah u tababaran maadaama uu dood ka keenay qaabka loo maamulayo tirinta codadka doorashadii khamiistii dhacday.
Wiil uu dhalay Bobi Wine ayaa sheegay in labadiisa Waalid ay wateen Ciidamadaas ugu tagay gurigooda, wixii xiligaas ka danbeeyana ay waayeen xogtooda nolol ama geeri sidaas awgeedna ay ka walaacsan yihiin noloshooda.
Dowladda Uganda weli faahfaahin kama bixin arrintaan, waxaa ciidamo badan la dhigay meelo kala duwan oo laga cabsi qabo in ay ka billaaban karaan kacdoonka dadka taageersan Fannaanka Siyaasadda galay ee ku haminaya Xilka Madaxweynaha Dalkaas.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale loo xiray musharraxaan kaddib markii uu diiday u hoggaansamidda awaamiir ka dhan ah oo Dowladda soo saartay, waxaa intaas u dheer uu marar kala duwan hanjabaad kala kulmay Wiilka Madaxweynaha Uganda.
