Doorashadii Golaha Deegaanka ee dhawaan Muqdisho ka dhacday ayaa noqotay mid ay hareeyeen musuq iyo wax is-daba marin, waxaana xusid mudan in axsaabta qaarkood ay baddeleen, xubnihii hore ugu sharaxnaa.
Sida ay Hortabin Media ogaatay Xisbiga Towfiiq ayaa labo xubnood oo hore ugu sharaxnaa baddelay saacadihii ugu danbeeyey, waana tallaabo fajac iyo amakaag abuurtay, hod dheerna ku rideysa mustaqbalka siyaasiga ee xisbigaasi.
Musharaxiinta saacadihii ugu danbeeyey la baddelay, ayaa sameeyey olole xooggan, iyagoo afkaarta xisbiga ka gaday qaar ka mid shacabka degmooyinkii ay ololaha ka wadeen, taas oo uu xisbigu ku faa’iiday, iyagana dadaalkoodii ka dhigtay hal bacaad lagu lisay.
Maxamed Xuseen Roorow (Canbe) oo ah musharaxii ugu horeeyey ee inta aan kaarka la qaadan billaaabay ololaha, wuxuu juhdi iyo dadaal badan ku bixiyey sidii Shacabka degmadii uu ka tartamayey ee Howlwadaag ay codkooda usiin lahaayeen xisbiga Towfiiq, isagoo arrintaasi u huray dhaqaalle badan, waxaana degmadaasi uu xisbiga Towfiiq ka helay 5-kursi, oo ku yimid dadaalkii musharaxaasi, balse nasiib darro xisbiga waxey kuraastaasi la dooneen rag aan tacab iyo waqtiba galin ololihii doorashada.
Arrintan ayaa noqotay fadeexo waqtigan hareysay xisbiga Towfiiq, kaas oo dilay kalsoonidii xubnihii sida hagar la’aanta ah xisbiga ugu howlgalay.

