Magaalada Garoowe waxaa ka furmay shir muhiim ah oo ay leeyihiin Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaray diyaarinta tubta wada-xaajoodka doorashooyinka dalka. Shirka waxaa ka qeyb-galaya xubno ka kala socda dhinacyada mucaaradka iyo maamullada ku mideysan Golaha Mustaqbalka, iyada oo ujeedkiisu yahay hirgelinta go’aannadii ka soo baxay Shirkii Aayo-ka-tashiga Kismaayo.
Guddiga Farsamada ayaa si gaar ah uga dooday qodobadii 6-aad iyo 7-aad ee go’aankii Shirkii Kismaayo, kuwaas oo dhigaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu boorriyey inuu muddo bil gudaheed ah, kuna eg 20-ka Janaayo 2026, isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo hannaanka doorasho oo waqtigeeda ku dhacda, isla markaana waafaqsan mabaadii’da lagu heshiiyey.
Qodobka 7-aad ee go’aanka Kismaayo ayaa isna xusay in haddii madaxweynuhu iska dhega-tiro baaqaasi, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaadi doono tallaabooyin u gaar ah oo lagu qabanayo doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo khataro la xiriira argagixisada, kuwaas oo dalka halis gelin kara.
Mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli si cad uga soo horjeeda doorashada qof iyo cod ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay ku doodayaan in hannaankaasi uusan ahayn mid lagu heshiiyey, isla markaana uusan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee dalka.
Sidoo kale, dhinacyadan ayaa madaxweynaha ku eedeynaya faragelin iyo wax ka beddel uu ku sameeyey dastuurka, gaar ahaan qodobada la xiriira arrimaha doorashooyinka. Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee taagan, iyadoo shirka Garoowe loo arko mid muhiim u ah jihada mustaqbalka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
