Maamullada Puntland iyo Jubaland, waxey noqdeen labada maamul ee ilaa waqtigan aanan ka fal-celin tallaabada sharci darrada ah ee ay Israa’iil kula kacday madax-bannaanida iyo midnimda umada Soomaaliyeed, waxaana labada Madaxweyne arrimahan ku qasbaya dalal shisheeye, kuwas oo daneynaya kala irdheynta soomaalida maanta wadajirka ah.
ka aamusida xadgudub-ka Israa’iil waxaa puntland iyo Jubaland ku tashkiiliyey imaaraadka carabta, kaas oo soo maraya dalalka Soomaaliya dariska la ah ee Itoobiyo iyo Kenya, oo labaduba uu la leeyahay xiriir wanaagsan.
Itoobiya iyo Kenya oo hore saameyn ugu lahaa siyaasadda soomaaliya kana shaqeynayey muddo badan dibindaabyada Soomaalida, ayaa waqtigan helay saaxiib dhaqaalle ku kaabaya, si mowqif wadar ogol ah aysan u qaadan dhinacyada siyaasada Soomaalida.
Imaaraadka oo markii horeba lahaa abaabulka kulanka Somaliland iyo Israa’iil, ayaa weli daba taagan xoojinta qorshaha aqoonsiga sharci darada ah ee ay israa’iil siisay Somaliland.
Abu-Dubia ayaa Xukuumadda Telabiib u sheegtay in iyadoo adeegsaneysa dalalka gobolka iyo awood dhaqaalle ay hor istaagi doonto in mowqif sugan ay qaataan dowladda dhexe iyo dhamaan maamullada xubnaha ka ah.
Labadii cisho ee ugu danbeysay soomaalida ayaa aamusnaanta Puntland iyo jubaladan ku micneynayey khilafka kala dhaxeeya Dowladda Dhexe, waxaase saacadihii ugu danbeeyey soo if-baxay arrimo ugub ah, kuwaas oo hoos u dhigaya qayimkooda siyaasi iyo hankooda sii joogitaanka talada dalka.
Sida xogaha rasmiga ah ay sheegayaan labada Hoggaamiye deni iyo madoobe ayaa toddobaadkan gudihisa ballan qaad lacageed ka helay Imraaadka Carabta, inkastoo aan cadadeeda rasmiga ah la shaacin, balse waxaa labada hoggaamiye la hor dhigay xujo ah in ay aamusnaan kaga gaabsadaan Xadgudubka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Deni iyo Axmed Madoobe oo saacado badan kuwada hadlayey qadka taleefanka ayaa ugu danbeyn qaatay go’aanka uga yimid Imaaraadka Carabta ee loo soo mariyey Kenya iyo Itoobiya, waxeyna noqdeen kuwo shilimaad siista heybadii iyo milgihii qaranimo.
Deni dhankiisa waxa uu dhagaha ka fureystay Salaadiinta Puntland oo walaac ka muujiyey aamusnaantiisa, halka Axmed Madoobe uu is hor istaagay kulan looga dhiidhinayey Xadgudubka Israa’iil kaas oo ay kismaayo ku qabsan rabeen aqoonyahanada waxgaradka iyo odayasha ku dhaqan halkaasi.
Sidoo kale iyaga oo fiirsanaya dhaqaalaha imraadka uga imaanaya waxey labadoodaba ka biyo diideen baaqyo uga yimid xubnaha mucaaridka kuwaas oo ka dalbaday in ay soo saaraan qoraalo ay ku difaacayaan madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliyeed.
Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu noqday mid Soomaaliya ay ku kala ogaatay cadowgeeda gudaha, dariskeeda dabinada maleegaya iyo mid ka mid ah dowladaha carbeed ee isku muujin jiray inuu Soomaaliya garab weyn u yahay, balse maanta la soo ban baxay cadaawadiisa.
Dhamaan dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka oo dabada ka riixaya Puntland iyo Jubaland, waxa ay qudhooda ka gaabsadeen ka hadalka xadgudubka ay israa’iil kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, taas oo ka dhigan in ay ku raalli yihiin gefka loo geystay midnimada umadda soomaaliyeed.
Hase ahaatee waxaa nasiib darro aad u weyn lagu sifeeyey in afkaartooda ay ka dhaadhicyeen Siyaasiyiin Soomaaliyeed, oo hoggaamiya labo maamul oo xubin ka ah dowladda dhexe, waxaana Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo horeba loo dareensanaa in ay dowladnimada Soomaaliya cagaha ku dhaganaayeen ay mar kale maanta ku sifoobeen kuwa baal madow kaga yaalla diiwaanka taariikhda siyaasadda soomaalida.
