Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabanqaabinaysa shir looga hadlayo kahortagga saamaynta taban ee ka dhallan karta Abaarta ka jirta qaybo kamid ah Dalka oo la saadaalinayo in ay ka halis badnaan karto abaarihii u danbeeyay ee dalka ku dhuftay.
Sida ay sheegeen ilo ku dhow kulanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka kala hadli doonno sidii ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ula wadaagi lahaayeen in la caawiyo Dadka abaaruhu saameeyeen.
Waxaa jira Dowlado kala duwan oo lagu sii wargeliyay in ay diyaariyaan gargaarka bani aadamnimo ee degdega ah si loo gaarsiiyo dadka u baahan ee ku kala sugan Gobollada Dalka sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Dowladaha ugu badan ee Soomaaliya ku garabsiiya wax ka qabashada xaaladaha Bani aadamnimo ayaa si gaar ah loogu casuumayaa shirka maadaama gacanta Qaramada Midoobay ee dhinaca kaalmada ay maran tahay sida ay horay u sheegeen Hay’adaha WFP & WHO.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qudheeda qaadday tallaabo xooggan oo wax looga qabanayo saamaynta taban ee Abaaraha, waxa ay Miisaaniyadda sanadka maalmaha ka dhiman ee 2026 ku dartay $2.2 Milyan oo loo adeegsanayo xakamaynta abaaraha.
