Shil sababay dhimashada Haweeney la sheegay in ay ahayd 60 jir oo lagu magacaabo Maryan Maxamuud Culusow ayaa xalay saq dhexe ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, gaariga shilka galay ayaa rarnaa.
Gaariga oo noociisu yahay (Ina-tareey) waxaa la sheegay in uu darawalka damacsanaa in uu kala wareego balse bareegga uu ka waayay waxa uu dhexda ka galay guriga ay ku sugnayd Marxuumadda & Maqaayad ku dhegeneed oo ay ku dhaawacmeen 4 qof.
Halka uu shilka ka dhacay oo aan sidaaas uga fogayn Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhigga Booliiska Degmada howlwadaag, waxaa ku baxay Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda oo xiray waddada isla markaana marxuumadda u qaaday Xarunta Dambi baarista CID
Shilalka ay ku lugta leeyihiin Gawaarida Xamuulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku soo kordhay Magaalada Muqdisho, waxaana loo sababeyaa xirfad yari dhanka wadayaasha ah iyo wadooyinka oo saxmad ah.

