Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Dhaxal-sugaha dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, xilli uu socdo shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha, gaar ahaan taageerada Soomaaliya ee maalgalinta iyo mashaariicda.
“Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi ah oo wax tar u leh labada dal iyo shacabka walaalaha ah.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia
Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii adkeeyo wada shaqeynta iyo in la horumariyo fursadaha iskaashiga ee dhinacyada kala duwan.
Waa kulankii labaad ee maalmo gudahood yeeshaan Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhaxal Sugaha Kuwait, is arragii koowaad ayaa qabsoomay intii uu socday Shirkii Dooxa.