Maamulka Israa’iil ayaa marinka Qasa si qasab ah uga barakiciyay ku dhowaad nus malyan qof oo rayid ah, iyadoo hal malyan oo kalena ay ciidamada Israa’iil isku dayayaan inay guryahooda ka saaraan.
Xafiiska Warfaafinta Dowladda ee Qasa ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay ku qasbeen in ka badan 270,000 oo Falastiiniyiin ah inay ka qaxaan magaalada Qaza, halka ku dhowaad hal milyan oo qof ay weli diidan yihiin inay ka tagaan guryahooda, iyagoo ku adkaysanaya inay ku sii nagaadaan dhulkooda inkasta oo ay socdaan duqeymo culus iyo dagaal joogto ah, oo ay israa’iil ku beegsaneyso Rayidka Falastiiniyiinta ah
arrintan ayaa ka tarjumaysa xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee magaalada Qasa, halkaas oo shacabka Falastiin ay wajahaan dhibaatooyin kala duwan sida duqeymo joogto ah, go’doomin dhanka cuntada, biyaha iyo adeegyada caafimaadka ah.
Sidoo kale dowladda Qatar ayaa dalbatay si ay ugu soo laabato dhex dhexaadintii xabbad joojinta Qasa , inay marka hore Israa|l raaligelin ka bixiso weerarkii ay ka geysatay Dooxa.
dhacdooyinka ayaa ku soo beegmaysa xilli kulanka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu furmayo maanta oo isniin ah, halkaasi oo lagu gorfeyn doono xaaladda Falastiin iyo waayaha adag ee ka taagan marinka Qaza
Ololaha caalamiga ah ee lagu dalbanayo in Falastiin loo aqoonsado dawlad madax-bannaan ayaa mar kale xoog yeeshay, iyadoo dagaalka Qasa uu dib u soo nooleeyay doodda caalamka ka taagan ee ku saabsan mustaqbalka Falastiin.
Dalal dhowr ah oo hore dhexdhexaad uga ahaa qadiyadda Falastiin ayaa si cad u sheegay inay taageerayaan aqoonsiga, waxaana arrintan loo arkaa tallaabo cadaadis siyaasadeed iyo mid bani’aadantinimo ah oo lagu doonayo in xal loogu helo colaadda Bariga Dhexe, gaar ahaan Qasa.
Bilihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Latin America iyo Yurub, waxaana kamid ah Norway, Ireland iyo Spain oo dhowaan ku dhawaaqay aqoonsi rasmi ah, halka Koonfur Afrika ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah Israa’iil.
Dalalka UK, Canada iyo Australia ayaa iyaguna shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay aqoonsadeen madax-bannaanida Dowladda Falastiin, go’aankan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo dhiirrigelinaya hindisaha xal laba-dawladood ah.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid loo qaaday si loo helo mustaqbal nabadeed:
“Maanta, si loo soo nooleeyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, iyo in xal laba-dawladood ah la gaaro, Boqortooyada Ingiriiska waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay Dawladda Falastiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Keir.
Sida ay xeeldheereyaasha qabaan go’aankan ayaa ka dhigan isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah oo London ku yimid, maadaama ay hore ugu adkayd inay qaadato mowqif cad oo noocan ah. Canada iyo Australia oo go’aankooda ku sababeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo cadaaladda iyo xasilloonida gobolka, ayaa ku biiray dadaalkan caalamiga ah.
Dalal kale oo reer galbeed ayaa iyagana la filayaa inay dhowaan qaadaan tillaabo tan lamid ah, waxaana horay qorshahaas u shaaciyay Faransiiska, Belgium iyo qaar kale, kuwaas oo sheegay inay ay samayn doonaan ku dhawaaqis rasmi ah oo ku aaddan aqoonsiga Falastiin.
Dowladaha Carabta iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aankan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh oo lagu taageerayo caddaaladda, halka taageerayaasha Israa’iil ay ka digeen in aqoonsigan uu dhaawici karo heshiisyadii hore ee Oslo, isla markaana uu kordhin karo xiisadda gobolka haddii aan lala socodsiin hannaan wada-hadal oo cad.
dhinaca kale Trump, ayaa Talaadada beri ah la kulmi doona hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee New York, wuxuuna sida la shaaciyey kala hadli doonaa sidii loo joojin lahaa dagaalka Qasa iyo habkii loo dejin lahaa qorshe kadib dagaalka, taas oo sii xoojineysa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.
Si kastaba Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa iyaguna la filayaa inay beri u codeeyaan in tartamada kubada cagta oo dhan laga joojiyo ka qaybgalka xulka qaranka iyo kooxaha kubadda cagta ee Israaiil, taas oo ah tallaabo caddaadis ku ah Xukuumadda Tel Aviv.

