Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay nidaamka ku dhisan Xisbiyada isaga oo sheegay in uu meesha ka saarayo siyaasadda qabiilaysan ee wax lagu dhisto ama lagu qaybsado.
Xamsa ayaa sheegay in tani ay ka tarjumayso sida ay Bulshada Soomaaliyeed ugu diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah si ay codkooda u siiyaan dadka ku metali kara siyaasadda iyada oo aanay ku salaysneen qabyaalad sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan boorrinayaa in siyaasadda Soomaaliya lagu saleeyo aragti cad, hadaf qaran iyo qorshe mideeya bulshada, si looga gudbo qabyaaladda iyo siyaasadda ku dhisan qabiilka oo caqabad weyn ku noqotay dowladnimada Soomaaliyeed, Waa in aan u gudubnaa siyaasad ku dhisan sinaan, caddaalad iyo wadajir, taas oo horseedi doonta horumar waara iyo dowlad xooggan” Ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.
Waa uus ii hadlay waxaana uu yiri “Hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ee dalkeennu aaday waa astaan muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo in bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dhismaha dowladnimada casriga ah”.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dalka u jihaysanayo doorasho qof iyo cod ah, waxa ay intaas ku dartay si loo gaaro hadafkaas loo baahan yahay diyaarinta Xisbiyo & Ururro Siyaasadeed oo metalaad Bulsho haysta.

