Ciidanka Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in Falastiiniyiinta ku sugan Qasa oo ah magaalada ugu weyn ay tahay in ay isaga baxaan oo ay aadaan dhanka koonfureed, iyaga oo ka digay in ciidamadu ay ka howlgalaan guud ahaan magaalada.
Ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadyo howlgal ka waday duleedka waqooyi ee magaalada kadib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ciidamada ku amray inay qabsadaan.
Netanyahu ayaa sheegay in magaalada Qasa ay tahay xarun ay ku xooggan yihiin Xamaas, qabsashadana ay lama huraan u tahay in laga adkaado mintidiinta Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta, kuwaas oo weerarradoodii Oktoobar 2023 ay ku qaadeen Israa’iil dagaalka uu ka dhashay.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu barakicin doono boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo gabbaad ka dhigtay halkaas tan iyo ku dhawaad labo sano oo dagaal uu socday. Dagaalka ka hor, ku dhowaad hal milyan oo qof, oo ah ku dhowaad kala bar dadka Qasa, ayaa ku noolaa magaalada.
Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ku qoray barta X in dadka deegaanka ay ka baxaan magaalada oo ay tagaan aagga xeebta ah ee Khan Younis ee koonfurta Qasa, isaga oo u xaqiijiyay kuwa ka qaxaya in ay halkaas ka heli karaan cunto, daryeel caafimaad iyo hoy.