Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe ayaa beeniyay in ciidamada dalkiisa ay qayb ka noqdeen dagaalladii ugu dambeeyay ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland.
Suleiman Dedefo ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay meel u dhow xero ay ciidanka Itoobiya ay degen yihiin, waxa uu intaas ku daray in dadka qaar ay marin habaabinayaan xaqiiqada si ay u abuuraan rabshado ka dhex dhaca Soomaaliya iyo Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.
Safiirka ayaa sheegay in labada Dowladood waa Soomaaliya iyo Itoobiya horay uga wada hadleen sidii loo baari lahaa, waxa uu tilmaamay in dowladdiisa ay magacaabi doonno koox farsamo oo baarta sida ay arrintaas u dhacday sida uu hadalka u dhigay.
“Dagaalka waxa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidanka Itoobiya degen yihiin, waxa aan xaqiijinayaa in aanay ciidamada Itoobiya qayb ka ahayn, Itoobiya weligeed ma samayn in ay caawiso dhinac kamid ah walaalaha dagaalamaya, khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleed, Cabasho waxa ay ahayd in ciidanka Itoobiya weerareen NISA Balse arrintu sidaas ma ahayn oo waxaa dhacay in ciidankeedu gargaar siiyeen askar dhaawac ah kaddibna dib u celiyaan” Ayuu yiri Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo.
Hadalkaan waxa uu Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu ku sheegay Wareysi uu siiyay Teleefishinka Universal, waxaana uu dhanka kale weeraray siyaasadda ciidanka Masaarida ee kusoo biiray howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.