Wixii ka danbeeyey markii uu soo idlaaday Kulankii dhex maray Trump iyo dhigiisa Ukrine Zelenskyy, waxaa bannaanka imaanayey warar ku qotomo in ay adag tahay kulan dhex mara Putin iyo Zelenskyy, kuwaas oo uu Trump qorsheynayo in ay is hor fadhiistaan.
Sida uu tabiyey Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Politico, Trump ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii uu la yeeshay zelensky iyo hoggaamiyayaasha yuru wuxuu qadka taleefanka ka wacay Putin si uu ugu soo bandhigo ka qaybgalka kulan saddex geesood ah oo uu la qaadanayo Zelensky , sidoo kalena uu isagu goobjoog ka noqonayo , balse Putin ayaa trump ugu jawaabay inaysan muhiim ahayn inuu isagu yimaado kulankaasi, taa baddelkeedana uu doonayo inuu la kulmo Zelensky oo qura.
Weedh celinta putin ayaa noqotay mid uu ayiday trump wuxuuna soo jeediyey in la qaban qaabiyo kulan fool ka fool ah oo dhex mara Putin iyo Zalensky si ay uga arrinsadaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Hase ahaatee sida ay werisay AFP Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa si degdeg ah u diiday soo jeedinta Putin ee ahayd in kulanka ay yeelanayaan lagu qabto Moscow , taa oo uu walaac amni ka muujinayo Zalensky.
Sidoo kale Aqalka Ruushka ee Kremlin-ka , ayaa qoraal ka soo baxay, waxaa lagu sheegay in Ruushka uusan oggolaan doonin iskuday kasta oo reer galbeedka ay ku doonayaan inay ciidamo ku keenaan gudaha Ukraine , waxaana laga digay in arrintaasi ay keeni karto khatar weyn oo colaad cusub ah.
Warka Kerimanlka ayaa daba joogay weydiimo ka soo yeerayey saxafiyiintii ku sugneyd kulankii trump iyo zalensky ee aqalka cad, kuwaas oo soo celcelinayay su’aallo la xiriira jiritaanka in ciidamo loo dirayo Ukraine.
Trump intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Zalensky wuxuu xaqiijiyey in Mareykanku uusan taageerin Ukraine wuxuuna yiri Annagu waxba ma siino Ukraine, waxaan kaliya iibinaa hub, kaasoo aan ka iibino NATO oo iyagu kharashka bixiya, kadibna siiya Ukraine, Trump wuxuu intaasi raacsaday Waxaan jeclahay shacabka Ukraine, laakin sidoo kale waan jeclahay shacabka Ruushka.”
Inkastoo Mareykanku uu isku dayayo inuu xiisada qaboojiyo, haddana ruushka ayaa saacadihii ugu danbeeyey qaaday tallaabooyin milatari,,, ciidanka Ruushku waxey gaari kuwa dagaalka ah ka qabsadeen ciidanka Ukraine , waxaana gaarigan oo uu noociisu yahay M113 APC oo Mareykanka uu soo saaro, uu qeyb ka yahay hubka Mareykanku siiyay Ukraine , Ruushka ayaa markii uu qabsaday gaarigan dib ugu weerarreen Fariisimaha ciidamada Ukraine, waxana lagu xiray calanka Ruushka iyo Mareykanka, taas oo loo arkay fariin cad oo muujinaysa in hubka reer galbeedka ee la siiyay Ukraine uu gacanta u galay Ruushka, isla markaana loo adeegsanayo dagaalka ka socda jiidda hore.
Sidoo kale Ruushka ayaa weerarro culus oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn shalay ku qaaday kaabayaasha tamarta iyo gaadiidka ee Ukraine , iyadoo weerarkan uu amray Putin saacado uun ka dib markii Trump uu Aqalka Cad ku qaabbilay Zelensky iyo hoggaamiyeyaasha Yurub.taas oo bidhaamineysa in ruushka uu dhagaha ka fureysanayo wada xaajoodyada xalka lagu raadinayo.!
Dhanka kale Ukraine waxay toddobadkan soo saartay gantaal cusub oo loo bixiyay Flamingo, kaas oo gaaraya masaafo dhan 3,000 km ah, wuxuuna leeyahay madax qarxa oo 1,000 kg ah, sida ay tabisay AP.
Kal hore Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron; ayaa yiri “Putin ma aha nin nabad doonaya.. dhulka Ukraine cid aan dawladda Ukraine ahayn ma go’aamin karto.”, taas oo ka hor imaaneysa qorshaha Ruushka.
Haddaba maxey yihiin sharuudaha Putin uu ku xiray joojinta dagaalka Ukraine?
Putin ayaa intii uu socday kulankii uu jimcihii la yeeshay Trump wuxuu hor dhigay qodobo kala duwan oo hadii la suura galiyo sahlaya in dagaalka Ukraine la soo afjaro.
Waxaana sharuudahaasi ka mid ah :
•In Ukraine ay si rasmi ah ruushka ugu wareejiso gobollada Donetsk iyo Luhansk. taa oo hadii ay dhacdo uu, Ruushka ballan qaaday inuu joojinayo duullaanka uu ka wado gobollada Kherson iyo Zaporiziya.
•Ruushka sidoo kale wuxuu sharuud muhiim ah ku dalbaday in Ukraine iyo reer Galbeedkuba ay si rasmi ah u aqoonsadaan in jasiiradda Crimea tahay dhul Ruushku leeyahay,waana arrin ay Ukraine si weyn uga soo horjeedday tan iyo 2014-kii.
•Putin wuxuu si adag u diiday in Ukraine waligeed ka mid noqoto NATO, ilaa laga siinayo damaanad amni oo aan ka imaanin Nato balse dalal kale ay ku lug yeeshaan.
•Putin wuxuu soo jeediyey in luqadda Ruushka loo aqoonsado luqad rasmi ka ah gudaha Ukraine, iyo in la siiyo xorriyad buuxda kaniisadda (ardadogis) ee Ruushka, taas oo qayb ka ah awoodda dhaqan-dhaqaale iyo saameynta siyaasadeed ee Moscow.
•Ruushka wuxuu dalbaday dhanka kale in ugu yaraan qayb ahaan laga qaado cunaqabataynta dhaqaale ee caalamiga ah ee lagu soo rogay kadib duullaankii Ukraine.
- Wuxuu si cad u sheegay Putin, in aysan jiri doonin xabbad-joojin degdeg ah ilaa heshiis dhammeystiran laga gaaro sharuudahan.
Sharuudahan oo ah kuwa aysan ku qanceynin Ukranine iyo kuwa taageera ayaa ka dhigan in dagaalka uu sii socon doono inta laga helayo xal siyaasadeed oo dhammaystiran, kaas oo waqtiga uu hirgalayo aan la ogayn.