Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe ee sannadkan, iyadoo kaalmaha ugu sarreeya ay ku guuleysteen gabdho.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaalinta 1-aad ay gashay Sakiyo Cabdullahi Cali Iman, kaalinta 2-aad Sahro Axmed Cali Maxamed, halka kaalinta 3-aad ay gashay Maymuun Ramadaan Cali Cumar.
Guud ahaan, imtixaanka ayaa waxaa galay 41,076 arday, waxaana ka gudbay 38,263 arday, halka 2,813 ay ku dhaceen.
Natiijadan ayaa muujineysa heerka sare ee ka qeybgalka gabdhaha iyo guusha ay ka gaareen Imtixaanka gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho, Dr Xasan Mungaab ayaa dahab abaal marin ahaan u guddoonsiiyay saddexda gabdhood, isagoo tillaabadaasi ku tilmaamay dhiirigalin.