Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa go’aamiyey in ololaha Isdiiwaangelinta codbiyeyaasha Gobolka Banaadir ay sii socondoonto muddo bil ah oo ka bilaabanaysa shalay oo ahayd 15 July ilaa 15 Agoosto 2025.
Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shalay oo ahayd 15 July cadeeyey in muddo bil ah lagu daray ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir.
Mudadaan dheeraadka ah ee lagu daray ololaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha gobolka Banaadir ayaa timid iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.
Doorashadaan oo ah doorashadii dadweyne ee ugu horreysay oo ay dadka reer Muqdisho isku diiwaangaliyaan muddo 56 sano ah, ayaa waxaa laga dheehan karaa sida ay shacabka Soomaaliyeed muddo dheer ugu baahi qabeen doorasho iyagu go’aankeeda leeyihiin.
Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali dagmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.