Dhamme Nuur Cilmi Maxamed, Taliska ciidanka Booliiska magaalada Dhuusamareeb ayaa ku amray ganacsatada iyo dadka deggan hareeraha Laamiyada in ay xirtaan Kaamirooyinka CCTV.
Taliyaha ayaa sheegay in tillaabadani lagu xaqiijinayo Amniga guud ee magaalada iyo xasiloonida caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa Shacabka ku dhiirigaliyay in ay si dhow laamaha Amniga kala sahqeeyaan sugida Amniga, xilli magaalada ay ka socoto diiwaan galinta Doorashooyinka.
Dhamme Nuur Cilmi Maxamed wuxuu sidoo kale digniin adag u diray askarta hubka la dhex maraysa gudaha magaalada, isagoo sheegay in aan la aqbali doonin in askari hub ku dhex wato bartamaha Dhuusamareeb, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkaasi.
Kaamirooyinka lagu sugayo Amniga ayaa sidaan oo kale looga hirgaliyay qeybo kamid ah dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.