Durba Siyaasiyiinta Mucaaridka ee xildoonka ah, iyo madaxda maamullada qaar ayaa soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahnaa inuu talada miiska keeni doono, isla markaana uu fidinayo gogol wadatashi.
Madaxweynaha oo isku dayaya meel marinta qorshihiisa doorashada ayaa caddaadis adag kala kulmaya beesha caalamka, taas oo ku qasabtay inuu fariintan hawada u mariyo dhamaan saamileydii ay siyaasada ku kala irdhoobeen.
Sida ay xaqiijiyeen Ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa kulan gaar ah toddobaadkan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka.
Sida ay xogtu sheegeyso Labada Safiir ayaa madaxweyne Xasan ku caddaadiyey in la furo saaxadda siyaasadeed si loo sameeyo ajande qaran oo mideysan kaas oo lagula dagaallamo argagixisada, mugdiga iyo meehanawgana looga saaro nooca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomeysa, iyagoo Xasan sheekh u bidhaamiyey baahida loo qabo in la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, kana tarjumeysa xaqiiqada siyaasadeed ee dalka.
Siyaasiyiinta Mucaaridka oo gogosha uu ku baaqay Xasan Bogaadiyey ayaa geesta kale siyaabo kala duwan uga falceliyey waxaana qoraal ay si wadajir ah usoo saareen siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ay madaxtooyada kaga dalbadeen in gogosha ay noqoto mid wax ku ool ah, isla markaana la cadeeyo ajanadayaasha miiska saaran.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka mid ah siyaasiyiinta ka hadashay gogosha uu fidinayo Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in ahmiyada koowaad la siiyo madaxda dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, maaddaama arrrimaha masiiriga ah ee taabanaya aayaha dalka ay tahay masuuliyad wadareed quseysa heer fedraalka iyo mid dowlad goboleed.
Hoggaanka Jubaland Axmed Madoobe oo aanu maamulkiisa dowladda dhexe aqoonsaneyn ayaa soo dhaweeyey go’aanka Xasan Sheekh, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni aanu ilaa iyo iminka ka hadlin.
Xasan Sheekh ayey sidoo kale safiiradu culeys ku saareen dib usoo celinta xiriirka maamullada xubnaha ka ah dowladda dhexe, si looga feejignaado caqabadaha ka dhalan kara khilaafka mudada dheer jiitamaya, kaas oo saameyn ku yeelan karta xasiloonida siyaasadeed ee dalka.
Magacaabista James Swan oo loogu magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka ku meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa Xasan Sheekh sidoo kale ku noqotay xarig uu ka tillbaabi waayey maaddaam danjire Kay uu yahay nin khibarad sare u leh xaaladaha murugsan ee arrimaha siyaasadda Afrika.
Culeysyadan is biirsaday ayaa noday kuwa Xasan ku qasbay inuu gogoshan iclaamiyo waxaana dadka siyaasada falanqeeya ay sheegayaan in Xasan aanu daacad ka ahayn gogoshan, oo sida muuqata uu ka dhigay mid furan, oo aan lahayn ajande rasmi ah, waana qorshe kale oo uu Madaxweynuhu ugu tala galay inuu waqtiga ku dilo.
qubaro kale ayaa iyaguna sheegaya in gogoshan ay tahay mid uu Madaxweynaha ku qaboojinayo qeylo dhaanta mucaaridka, iyo caddaadiska beesha caalamka, balse aanu weli ka tanaasulin hadafkiisii ku wajahnaa doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee qofka iyo codka ah.
Ilaa iyo iminka ma cada waqtiga ay si rasmi ah furmi doonto gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Xasan Sheekh, iyo qodobada lagu gorfeyn doono, taas oo lagu micneyn karo jahwareer siyaasadeed oo halka uu ku biyo shuban doono aan la aqoon.