Halkani waa tuulada Kera oo dhacda waqooyi galbeed dalka Burkina Faso waana goobta uu ku dhashay Madaxweynaha dalka Burkino Faso Ibrahim Tarore, kaas oo ay dhalashadiisu ku beegneyd 1988.
Ibrahim tiroore ayaa waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe ku dhigtay isla tuulaadaasi, halka waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku soo qaatay gobolka bobo diyalooso ee dalka Burkino Faso.
Tiroore ayaa shaahadada baajka ku qaatay kuliyada jiloojiga ee cilmiga dhulka, waxaana markaasi kadib uu ku biiray ciidamada dalka Burkina Faso, isagoo tababarka kadib helay darajada hal xidigle, wuxuuna sanadkii 2014-kii u dalacay darajada labo xidigle.
Afganbiga Koowaad:
Haddaba ninkan da’da yar sidee ayey ugu suura gashay afganbigii uu xukunka ku koray, maxaana soo de dejiyey inuu hanto quluubta shacabka dalkiisa.
Sanadkii 2017-ka waxaa Burkina Faso soo gaaray Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanual macron, maddaama waqtigaasi faransiiska ciidamadiisa ay joogeen dalka Burkina Faso, isla markaana faransiisku uu si dadban u maamulayey dhaqaalaha iyo siyaasadda dalkaasi.
Macron oo waxa uu ka qeyb galay munaasabad qalin jibin ah, oo su’aalo lagu weydiinayey, waxaana ardayda ay badankood ka cabanayeen waqtiga korontada ay joogto oo ah mid kooban, Macron ayaa si fudud ardayda ugu sheegay in jawaabta cabashadooda laga rabo Madaxweyna Burkina Faso, xal u helida walaacoodana aysan ahayn masuuliyad isaga saaran, wuxuuna Macron intaasi kadib erayo qalafsan ku weeraray madaxweynihii burkina Faso, taas oo ku qasabtay in madaxweynaha uu hoolka munaasabada isaga baxo , inkastoo markii danbe uu dib ugu soo laabtay.
Arrintaas waxey si aad ah uga careysiisay shacabka Burkina Faso,waxaana 15 sarkaal oo uu ku jiro Ibrahim torare ay dajiyeen qorshe ay dalkooda ku bad badinayaan, wuxuna qorshahaasi hirgalay 5 sano kadib sanadkii 2022-ka, markaas oo ay sameeyeen afganbi ay horseed ka yihiin 15-koda, kaas oo xukunka looga tuuray Madaxweynihii burkino Faso Roog maag kiristian kabore.
15-Sarkaal ee sameeyey Afganbiga ayaa yagleelay golle la magac baxay badbaadinta qaranka, waxaana hoggaamiye ay ka dhigteen sarkaal lagu magacaabo baul henry sindoog dimba, kaas oo isna qaaday dhabihii Madaxweynihii xukunka laga tuuray.
Paul Henry ayaa ku guuldareystay inuu la yimaado qorshe qaran, iyo mowqif siyaasadeed oo ka duwan kii uu ku shaqeynayey ninkii xafiiska laga saaray, waxaana mudadii uu joogay hoos u dhacay dagaalka uu dalkaas kula jiro kooxaha argagixisada ah, halka sidoo kalana aanay waxba iska baddelin saameyntii uu dalkaasi ku lahaa Faransiiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka.
Afganbiga Labaad:
Habacsanaanta Henry iyo xil gudasha la’aantiisa, waxey Ibraahim Torrore ku xanbaaray 30-kii bishii 10 aad inuu mar kale sameeyo afganbi cusub, kaas oo uu ku guuleystay, kulana wareegay taladii dalka Burkina faso ee galbeedka Afrika.
Afgabniga Labaad Ibraahim Torore waxaa ka caawiyey guutadii uu hoggaamiyaha u ahaa, kuwaas oo ah unug ciidan oo madaafiic, ku dagaallama, isla markaana saldhigoodu yahay gobol la yiraahdo kaaya ee waqooyiga dalkaasi, waxaana unugan lagu tilmaamaa midka ugu tababarka fiican dhamaan ciidamada Burkina Faso. waana awooda gaarka ah ee sababta ugu weyn ku leh hanashadiisa xukunka dalkaasi.
inkasta uu yahay sarkaal da’ yar oo muddo dheer aanan ku irin ciidanka dalkaasi haddana marka laga yimaado inuu yahay nin af gaaban waxaa lagu tiriyaa mid ka soocan saraakiisha dalkaasi, sababo la xiriira dhiiranaantiisa iyo hal karaankiisa qofnimo
la wareegidiisa xukunka wuxuu ku sifeeyey inuu u istaagay samata bixinta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu la dagaalami doono ururada argagixisada ee dalkaasi ka jira iyo cid kasto oo lidi ku ah masaalixda Burkina Faso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aanu xukunka ku raagi doonin
Tallaabooyinka uu qaaday:
Markii uu xukunka la wareegayey Ibrahim tiroore wuxuu dalkiisa ku jiray marxalad xasaasi ah, iyo dagaal sokeeye, iyadoo boqolkiiba 40 dalka uu gacanta ugu jiray kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda, wuxuuna durba billaabay xoojinta dagaalka ka dhanka ah qolayaha argagixisada.
Tallaabada kale uu qaaday ayaa ahayd inuu gabi ahaanba jaray xiriirkii dalkiisa uu la lahaa Faransiiska, wuxuuna daaqada ka tuuray heshiisyadii faransiiska uu kula jiray burkina Faso, isagoo sidoo kalana dalkaas ka ceyriyey ciidamadii faransiiska, taas oo soo gabagabeysay rajadii Faransiiska ee Yuraaniyamti.
ka hor waqtigaas Faransiiska ayaa dalkaas awood baaxad leh ku lahaa, wuxuuna si xad ka bax ah u guran jiray Yuraaniyamta dalka Burkina Faso, xilli shacabka dalkaasi ay wajahayeen faqri aad u daran, miinaasiyada dowladduna ay koobneyd.
Burkina Faso ayaa ah dalka afaraad ee dahabka ugu badan ka dhoofiya afrka, waana in ka badan konton tan oo dahab ah, maaddaama dahabka uu boqolkiiba 10 ka yahay dhaqaalaha dalkaasi.
Ibrahim Toraare oo arrintaan masuuliyad gaar ah iska saaray ayaa shatiyadii kala laabtay shirkadihii ajnabiga ahaa ee ee gacanta ku hayey qodida dahabka, isagoo hanti qaran ka dhigay labo god oo waa weyn, kuwaas oo ay heysteen ay heysteen shirkadahasi ajnabiga ah.
Dowladda uu majaraha u hayo waxey la wareegtay maamulida dahabka oo markii hore ajaanib gacanta ugu jiray, waxuuna sido kale qaaday tallaabo uu ku yagleelayo warshad lagu sifeeyo dahabka, taas oo ka looga maarmayo in dahab aan sifeysneyn loo dhoofiyo dibada, isagoo ka fakaraya in ay shaqo abuur u noqoneyso dadkiisa, dowladana ay canshuur ka helayso.
Ibrahim Taroore ayaa geesta kale dalkiisa ka mamnuucay dhageysiga iyo daawashada TV-ga ku hadla codka Faransiiska, kaas oo baahiyey muuqaalka iyo codka mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ururada argagixisada dalkaasi ka dagaallama.
Taroore ayaa sidoo kale xoogga saaray soo nooleynta wax soo saarka beeraha iyo warshada dalkaasi, wuxuuna beeraleyda siiyey qalab casri ah oo tacbashada beeraha ka caawinaya, isagoo dhidibada u taagay labo warshadood oo soo saara yaanyada si looga kaaftooma badeecooyinka ka imaanaya dalka dibadiisa.
Wuxuu sdioo kale dhisay dhowr jid oo muhiim ahaa, isagoo dayac tiray wadooyin aad u bur bursanaa, taas oo si aad ah usoo jiidatay shacabka burkina faso uuna ku kasbaday quluubtooda.
Ibrahim Torare wuxuu hoos u dhigay bqolkiiba 30 mushaarkii ay qaadan jireen wasiirada xildhibaanada iyo siyaasiyiinta dalkaasi, isagoo sare u qaaday boqolkiiba 50 mushaarka la siiyo ciidamada iyo shaqaalaha rayidka, wuxuuna xubnaha dowladiisa ku jira uu uga digay in ay musuq ku kacaan.
Xiriirka uu Ruushka la yeeshay:
kadib ceyrintii iyo shati kala laabashadii shirkadaha ajaanibta, waxey walaac ku abuurtay reer galbeedka, kuwaas oo siyaasaddiisa aad uga carooday, kuna shaabadeeyey mid gacan saar la leh ruushka.
Balse Tarore oo dareensan marxalad ay Afrika wajaheyso ee dagaalka qaboob oo ah mid reer galbeedka iyo ruushka u tartamayaan gacan ku dhigidda, qaarada madow ayaa u weecday dhanka Ruushka, wuxuuna la saxiixday heshiisyo kala duwan, taas oo utun ku noqotay wadmada reer galbeedka.
Ibrahim Tarore oo ka jawaabayey hadalada reer galbeedka ee jaraa’iyada qabsaday ayaa si aan ganbasho lahayn u sheegay in ruushka iyo dalkiisa ay leeyihin xiriir qoto dheer, isagana uu xiriirkaasi horumarin doono, taas oo utun ku noqotay wadmada reer galbeedka.
Ibrahim Tarore ayaa ruushka ka dalbaday inuu u dhiso xarun nugliyeer, isagoo dib u furay safaaradii Ruushka ee Burkina Faso.
Kalsoonida uu la soo ban-baxay:
wuxuu Ibrahim Tarore iska diiday lacag amaah ah oo uu usoo bandhigay bankiga adduunka ee IMF, kaas oo ah mid cuuryaamiyey wadamada soo koraya ee Afrika, kuna qabsay in ay gacanta hoorsadaan, balse Torare wuxuu amaahda baddelkeeda tibaaxay in dadkiisa iyo dalkiisa ay horumar ku gaari karaan waxa ay iyaga wadajir ku qabsadeen.
Kaalinta biyo kama dhibcaanka ah ee uu dalkiisa ugu jiro marka laga yimaado Torare ayaa ah nin lexo jeclo badan ay ka heyso Afrika, wuxuuna cod dheer ku sheegay in madaxda Afrikanka ay indhaha isku hayaan, isla markaan aanay u muuqan kheyraadka dhulkooda ceegaaga, wuxuuna ku tilmaamay in tacabka kheyraadkooda ay ka doorbideen dawarsi, taas oo uu ku micneeyey mid dhaawac ku ah qaarada Madow.
Hadalkan oo uu ka sheegay shirkii iskaashiga afrika iyo ruushka ee ka dhacay Magaalada Sanbatarisbag ayaa cadeeyey qofka uu yahay Ibrahim Tarore.
Ibrahim Torare ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la yeeshay dalalka Mali iyo Niger oo labada dal ee Burkina Faaso jaarka la ah, kuwaas oo iyagana iska saaray ciidamadii Faransiiska ahaa ee dalkooda joogay.
Torore oo 30 iyo dhowr jir ah ayaa 9 bil un ku noqday ninka loogu hadal heynta badan yahay madaxda afrika, wuxuuna mudadaasi ku qabtay wax madaxda Afrikanka ay ku qaban waayeen muddo lixdan sano ah.
5-tii bishii Labaad ee sanadkan Dalka Burkina Faso ayaa soo saaray gaarigii ugu horeeyey ee koronto ku shaqeeya, taas oo bidhaamineysa halka uu dalkan u socda iyo heerka uu mustaqbalka hiigsan karo.
Cadaawada ay u qabaan Reer Galbeedka:
Dadaaladaas oo ay jiraan weli reer galbeedku kuma qanacsana xukunka Torore, maaddaama uu dhagaha ka fureystay rabitaankooda macaash doonka ah, waxeyna dhowr jeer soo abaabuleen isku dayo afganbi, kuwaas oo dhamaantood fashilmay, waxaana ciidankii fulin rabay qorshahaasi dhamidooda loo taxaabay jeelka.
Reer Galbeedka oo aanan quusan ayaa sidoo kale dhaqaalle siiyey wadamada dariska la ah Burkina Faso ee ay ka wada tirsanayeen ururka Ekowa, iyadoo ujeedku uu yahay in dalalkasi ay awood ciidan ku qabtaan Burkino Faso, balse xogta qorshahaas markii uu helay Tarore wuxuu gabi ahaanba burkina Faso ka saaray ururkii uu dalalkaasi kula mideysnaa ee ekawa.
Si kastaba Inkastoo Ibraahim uu door muuqda ka ciyaaray bad-baadinta dalkiisa iyo sare qaadista quwada wadaninimo, haddana waa shakhsi ay wax ka baran karaan Madaxda Afrikaanka ah ee ciirsiga weli bidaya dalalka reer Galbeedka.