Mareykanka ayaa gabi ahaanba jaray taageeradii uu la bar bar taagnaa ciidamada Kumaandoosta Danab, waana culeys hor leh oo ku soo kordhay Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhaawici karta qorshihii dagaal ee ciidamadan iyo weeraradii kala duwanaa ee ay la beegsan jireen kooxda Al Shabaab, maaddaama ay ahaayeen ciidamo uu hago Mareykanka, qorshana uu u dejiyo.
Waxey sidoo kale tallaabada uu Mareykanku qaaday ee uu ku hakiyey kaalmadii uu Danab siin jiray, ay noqotay culeys maaliyadeed oo Soomaaliya soo food saaray.
Sida uu shalay xaqiijiyey Wasriika Maaliyadda, waxaa kordhay cabsida dhanka maaliyadeed ee dalka, sababo ku aaddan in la hakiyey kaalmadii Danab uu ka heli jiray Mareykanka.
Wasiir Biixi oo Barlamanka hor tagay ayaa yiri “Culaysyada tooska ah ee Maaliyad ahaan noo saameeyay waxaa kamid ah kaalmadii ay heli jireen ciidamadeennu DANAB & Hay’adaha Maaliyadda sida Xarunta Warbixinta Maaliyadda ayaa dhammaantood istaagay, waajib ayay ku noqotay Dowladda in ay dhabarka ku ridato, waxaa ka dhalan doonna culays badan oo u baahan in Dowladda Soomaaliyeed & Dadkeeda isku tashadaan,”
Si kastaba Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Bishii Janaayo dhammaadkeeda ku dhawaaqay in uu joojiyay kaalmadii dibadda ee dalkiisa uga bixi jirtay ballaayiinta Doollar, waddamada arrintaan saamaynta taban ku reebtay waxaa kamid ah Soomaaliya.
Maraykanka ayaa si gaar ah u tababara una qabaleeya Ciidamada kumaandooska DANAB, waxa uu bixin jiray mushaarkooda balse hadda waxaa istaagay lacagtii uga imaaneysay Xukuumadda Washington iyada oo laga sugayo in ay booskaas buuxiso Dowladda Federaalka.