Maamulka Puntland waxa uu qaatay go’aan ku wajahan in dhulka buuraleyda uu ka saaro kooxda Daacish, waxaase su’aal ay ka imaata ilaa inta uu qaadan karo dagaalka uu maamulka kula jiro Daacish-ta Soomaaliya.
Dadka Aqoonta u leh amniga ayaa sheegaya in dagaalka iminka billawga ah ee ay Puntland ku qaaday Daacish uu noqon doono mid daba dheeraada, sababo badan oo is biirsaday awgood.
Arrinta ugu horeysa ayaa ah in muddo badan ay kooxdan ay dhuumaaleysanayeen dhulka buuraleyda ah, halkaas oo ay ku yeesheen saldhigyo badan oo dhulka hoostiis ah, waana arrin adkeyn karta in dagaalka kooxdaasi looga itaal roonaado.
Mida kale ayaa ah dagaalka dhulka buuraleyda oo u baahan qorhe gaar ah, maaddaama uu ka culus yahay dagaallada kale, ee lagu galo dhulka caadiga ah, waxaana kooxdu ay heystaan rag argagixisada muddo dheer ku soo jiray oo qaarkood ka soo dagaallamay dhulka Afganistan.
Culeyska kale ayaa ah taageerada dhaqaalle iyo mida milatari ee uu heli karo maamulka Puntland oo ah mid kooban, maaddaama uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda dhexe.
Si kastabada gulufka ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya ee ay wado Puntland oo iminka khasaare kala duwan uu ka dhashay, ayaa la rumeysan yahay inuu sii daba dheraan doono, haddii aan lala imaan istaraatiijiyad rasmi ah oo noqon karta furaha guusha.