Xaalad adag oo nololeed ayey waqtigan wajahayaan qoysas badan oo barakacayaal ah kuwaas oo ku dayacan gudaha Caasimadda iyo duleedkeeda, xili lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Barakacayaashan ayaa sheegaya in aanay heysan wax ay ku affuraan ama ku saxuurtaan, soonkuna uu waajib ku yahay, waxeyna shacabka Soomaaliyeed ka dalabanayaan in gargaar deg deg ah la soo gaarsiiyo.
Barakacayaashan oo ay booqatay Hortabin Media ayaa sidoo kale wajahaya daruufo kala duwan oo dhinaca nolosha ah, sida hoy la’aan, biyo yari, cunno la’aan, caafimaad darri, waxbrasho la’aan iyo dhibaatooyin kale.
Waxey qoysaskan inoo sheegeen in mudooyinkii ugu danbeeyey aysan helin wax gurmad la taaban karo ah, taasna ay sii adkeysay xaaladooda nololeed, waana kuwa meelo kala duwan ka soo barakacay.
Gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ku dayacan qoysas aad u tira badan, kuwaas oo aysan jirin cid ka warqabta, waxaana maamulka gobolka uu ku guuldareystay in dadkaasi uu dib u dejin u sameeyo.