Saraakiisha ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Afrika ayaa ka digay in weerarka fallaagada ay Rwanda taageerto ee bariga Congo uu khatar ku yahay nabadda guud ahaan gobolka.
Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen shir degdeg ah oo xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Arbacadii shalay ka yeesheen arrintan.
Bintou Keita, oo ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Congo, ayaa sheegtay “in ay lagama maarmaan tahay in Golaha Ammaanku qaado tallaabooyin degdeg ah oo go’aan qaadasho ah si loo baajiyo dagaal ballaaran oo ka dhaca mandaqadda.”
Huang Xia, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika, oo ay ku jiraan Congo, Burundi, Rwanda, iyo Uganda, ayaa isna sheegay in qabsashada magaalooyinka waaweyn ee bariga Congo ee fallaagada M23 toddobaadyadii la soo dhaafay iyo bayaannada dhinacyada muhiimka ah ay muujinayaan in khatarta colaadda ka holcaysa gobolka ay maanta aad uga halis badan tahay sidii hore.
Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobay, Nicolas De Riviere, ayaa isna ku boorriyey Golaha in ay si degdeg ah u ansixiyo qaraar qabyo ah oo uu dalkiisu faafiyey laba toddobaad ka hor, kaas oo dib u xaqiijinaya taageerada madaxbannaanida dhuleed ee Congo.
Safiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarka fallaagada M23, in Rwanda ciidankeeda kala baxdo Congo, iyo in si degdeg ah loo billaabo wadahadallada nabadda.

