10-kii Sano ee ugu danbeysay Daacish Soomaaliya, waxey ahayd ururka adag oo weeraro kala duwan ka geysta gayiga Soomaalida, waxeyse aad ugu xooganayeen mudadaasi, Buuraha Galgala iyo Goolis, halkaas oo ah goobta uu ku yagleelay Hoggaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin.
Cabdiqaadir Muumin oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, ayaa hore uga mid ahaa Kooxda Al Shabaab, waxaase khilaaf ka dhex aloosmay kadib uu xiriir la sameeyey hogaamiyihii kooxda ISIS ee Ciraaq Abu Bakr al-Baghdadi, si uu ubuuro garab jihaadi ah oo ay kooxdu ku yeelato Soomaaliya, waxaana gabaad ahaan uu ka dhigtay Dhulka Buuraha gobolka bari.
Ilaa laga soo gaaro bishan koowaad ee sanadkan curdunka ah, waxa ay kooxdu gudaha Puntland ku lahayd saameyn aad u ballaaran, waxaase waqtigan ay u muuqataa in ay soo idlaaanayaan waayahoodii dhuumaaleysiga Buuraha Galgala.
Weeraradii ugu danbeeyey ee ciidamada Puntland ay ku qaadeen fariisimada daacish ee Buuraha Galgala, waxa ay ciidamada Puntland ka soo hoyeen guulo la taaban karo, waxaana kooxda laga saaray goobo kala duwan oo gabaad u ahaa.
Howlgalada ka dhanka ah daacish ee ay Puntland wado, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda, halka kuwo kalana lagu dilay, waxaana xusid mudan in howlgalkan lagu ogaaday in Daacishta Soomaaliya ay dalka soo galisay xubno badan oo ajaanib ah oo ka garab dagaalama, kuwaas oo macluum badan oo ku saabsan xogahooda iyo dalalka ay ka soo jeedaanba la helay.
Weerarada lugta ah iyo kuwa dhanka cirka ee ay iska kaashanayaan ciidamada Puntland iyo saaxiibada Soomaaliya, ayaa kooxda ku qasbay in waqtigan ay faarujiyaan boqolkiiba 60 dhulka buuraleyda gobolka Bari ee ay ku sugnaayeen, waxaana halkaasi lagu arkay togog dhaadheer oo ay kooxdu halkaasi ka qoteen.
Howlgalkan ayey Puntland qaaday kadib walaaca joogtada ah ee ka soo gaarayey mudooyinkii ugu danbeeyey ganacsatada deegaanadaasi, kuwaas oo lacago baad ah siin jiray kooxda Daacish.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Howlgalka Puntland ee ka dhanka ah daacish ayaa toddobaadkan bogaadisay, waxaana RW Xamse oo si gaar ah arrintan u soo hadal qaaday uu sheegay in ay tahay talaabo ku dayasho mudan.
Hase ahaatee Puntland oo hadalka dowladda daba joogto ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay ka helin wax garab ah, iyagoo ku baaqay in ay muujiyaan doorkooda ku aaddan dagaalka, inkastoo hadalkooda kadib uu RW cod dheer ku sheegay in Puntland loo fasaxay dhaqaalihii, isagoo uga digay hadalada marin habaabinta ah ee ku aaddan in dowladda dhexe aan taageere laga helin.
Howlgalkan inta uu socday Puntland ayaa gacanta ku soo dhigtay illaa sagaal diyaaradood oo nooca loo yaqaan Drone-ta,,, Diyaaradahan ayaa isugu jira qaar wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaara inay is qarxiyaan, kuwaa oo lahaayeen kooxda Daacish.
Bishii Nov ee sanadkii 2021- ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay diyaarado noocan oo kala ah, kuwaas oo u soo degay xiligaasi nin Xildhibaan ahaa, waxaase Diyaaradaha oo gaarayey lix xabo sameysayna shirkad shiineys ah ay sirdoonka dowladdu waqtigaas ogaadeen in ay dalbadeen Daacish, balse xildhibaanka ayaa ku adkeystay inuu Drone-tan u keensado waraabka dhul beereed uu Puntland ku leeyahay.
Howlgalka ka dhanka ah Daacish ee ay Puntland qaaday ayaa lagu tilmaamayaa kii ugu xoogaanaa in muddo ah, waxaana weerar kan iminka ku dhaw uu maamulku qaaday Bishii July sanadkii 2021-ka, markaas oo daacish laga saarey deegano ay ka mid yihiin Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan buuraha Calmiskaad
Daacish oo hore ugu guuldareysatay loolankii ay kula jirtay Al Shabaab ee ahaa joogitaanka Koonfurta Soomaaliya, ayaa waqtigan u muuqata mid lumisay dhulkii Buuraleyda Bari, taas oo ka dhigan in la joogo dhamaadka garabka daacish ee Soomaaliya.