Waqtigan, waxaa weli meel halis ah maraya khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Jubaland, waxaana muuqata in guushii Jubaland ee Raaskambooni aysan wax badan soo kordhin, maaddaama xilligan Villa Soomaaliya ay xusul duub ugu jirto qorshe kale, oo ay ku kala dhantaali karto Jubaland.
Xiisada ugu ba’an ayaa iminka ka taagan Gobolka Gedo, waana halka ay hadda dhinacyadu u weeciyeen hardankooda siyaasadeed, iyadoo Axmed Madoobe uu wajahayo caddaadis dhaqaalle iyo mid milatari oo uga imaanaya dowladda
Madaxtooyada ayaa dharbaaxadii Raaskabooni kadib, ciidamo fara badan geysay inta badan degmooyinka gobolka Gedo, waxaana ciidamaasi loo dhameystiray agabkii iyo qalabkii ay u baahnaayeen.
Saameynta Wasiirka Amniga iyo Kulamada uu wado
Sidoo kale maalmo ka hor waxaa Jubaland gaaray Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolkaasi, isagoo durba Gedo ka billaabay kulamo uu la yeelanayo odayasha iyo waxgaradka halkaasi ku dhaqan.
Villa Soomaaliya oo dareensan xurgufta mudada dheer ka dhex oogan Axmed Madoobe iyo Bulshada Gedo, ayaa halkaasi ka aragtay fursad, waxaana taageero xooggan ay iminka u muujinaysaa Dadka Reer Gedo, si iyagoo dowladda garab ka helaya ay isaga dul qaadaan heeryada Maamulka Axmed Madoobe.
Wasiir Fartaag oo dowladda u wakiilatay qorshaha Gedo ayaa ilaa hadda kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka aqoonyahanada iyo odayaasha dhaqanka, balse sida wararku sheegayaan weli muusan gaarin natiijadii ay Villa Soomaaliya ka sugeysay, taas oo ah inuu keeno wiilal hannaanka ciidamada lagu daro, oo qeyb ka noqdo sidii gobolkaasna guud ahaan ay gacanta ugu dhigi lahayd dowladda, isla markaana loogu gudbi lahaa wajiga labaad oo ah in Jubada Hoose laga Faramoojiyo Axmed Madoobe, oo sanado badan halkaasi ka arriminaya
hase ahaatee Sida xoguhu sheegayaan waxaa Wasiir Fartaag la hor dhigay dhowr qodob oo ay ugu horeyso in dadka Gedo la siiyo xilka RW-nimo, lagana xayuubiyo jagadaasi Xamse oo ku guuldareystay inuu Jubaland ku qanciyo doorasho qof iyo cod ah, waxaana odayaashu ay wasiirka u soo jeediyeen in reer Gedo lagu aamino masuuliyadaasi, si ay door muuqda uga qaataan samata bixinta Jubaland, oo sida marar kala duwan la shaaciyey ah maamul u afduuban Axmed Madoobe, waxaase la ogayn sida dalabkoodu uu ku suura gali karo
Geesta kale Axmed Madoobe oo muddo 13 sano ah jooga Kismaayo ayaa ku guuldareystay, inuu xaliyo walaac ay muujinayaan reer Gedo, waxaana xusid mudan in mudadaasi dheer uusan marna ka degin Gedo, si uu u dhageysto tabashada reer Gedo, taas oo bidhaamineysa heerka ay kala jogaan isaga iyo Bulshada Gedo.
Dhan kasta oo laga eego, waxaa xilligan adag in Gedo ay ka baaqsato colaad ka dhex aloosanta Dowladda Dhexe iyo Jubaland, waxaana dowladdu ay qorsheyneysaa in gobolka uu ubuc u noqdo, gulufka ay naawileyso in Axmed Madoobe looga taqaluso.
Dhanka Jubaland
Jubaland oo dhinaceeda hadal ka soo saartay dhaq dhaqaaqyada ay dowladda ka wado Gedo, ayaa tilmaantay in qorshaha dowladda uu horseedayo qalalaase bur buriya nidaamka dowliga ee dalka ka jira, waxaana wasiir Fartaag ay ku eedeeyeen hurinta colaad ka dhex qaraxda beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubaland.
Sidoo kale Jubaland ayaa xilka ka xayuubisay gudoomiyihii gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir oo si toos ah ula saftay dowladda dhexe, waxaana masuuliyadaasi uu Axmed Madoobe u magacaabay Maxamed Xuseen (Alqaadi), kaas oo ay isna adag tahay si uu uga howlgalo Gedo.
Culeysyada kale ee heysta
marka laga soo tago qorshaha dagaal ee Villa Soomaaliya ay ku taameyso, in ay Axmed xukunka kaga tuurto, waxaa sidoo kale jira tallaabooyin kale oo ay culeys ku saareyso Jubaland, waxeyna waqtigan soo koobtay xiriirkii uu maamulkaasi la lahaa Kenya, kuwaas oo maanta wax taageero ah aan u fidin karin Axmed Madoobe, kana cudur daartay dhowr dalab oo uga yimid hoggaamiyaha Jubalnad.
Dowladda Fedraalka ayaa sidoo kale Jubaland ku soo rogtay cunoqabateyn dhanka dhaqaalaha ah, waxaana laga jaray lacago malaayiin doollar ah oo dowladda dhexe ay ku kabto sanad kasta miisaaniyadda dowlad goboleedyada.
Caqabadaasi waxaa usii dheer in gabi ahaanba la joojiyey qaadkii laga keeni jiray Kenya ee ka degi jiray Kismaayo, iyadoo sidoo kalana la hakiyey duulimaadyadii tooska ahaa ee degi jiray garoonka diyaardaha Kismaayo.
Arrimahan is biirsaday ayaa waqtigan maamulka Axmed madoobe ku keenay daruufo dhaqaalle oo baahsan, waxaana walaac ballaaran muujinaya shacabka Kismaayo, halka dekada Kismaayo ay ku dhawdahay in ay xiranto, sababo la xiriira sicir bararka xooggan ee ka jira gudaha magaaladaasi.
Si kastaba Culeysyadan Is-biirsaday ayey dadka qaar rumeysan yihiin in looga adkaan karo maamulka Axmed Madoobe, kaas oo sida la saadaalinayo soo dabci kara, maaddaamada xilligan ay ku adag tahay inuu xamilo cadaadiska dhaqaalle ee gudaha Kismaayo ku heysta iyo gulufka milatari ee uga imaanaya Gedo.