Dalal badan oo ah kuwa martigeliyay Qaxootigii dhowr iyo tobankii sano u dambeeyay isaga cararay Dalkooda hooyo ee Suuriya ayaa billaabay in ay indhaha ku hayaan isbaddelka cusub ee Dalkaas ka dhacan dhowaan ee lagu tuuray awoodda maamulkii kaligii taliska ahaa ee Bashaar Al-Asad.
Jarmalka ayaa xaga sare kasoo galay waddamada indhaha lagu hayo ee doonaya in ay si dhow uga warqabaan isbaddelkaas si dib u celin loogu sameeyo malaayiinta ruux ee Suuriyaanka ah ee sanadihii is daba xigay galay Dalkiisa.
Waxaa kale oo jira Dalal kale oo Yurub ah kuwaas oo doonaya in hoos isaga dhigaan culeyska ka heysta maarayntooda maadaama ugu yaraan ay dadkaas u baahan yihiin in lagu garab istaago raadinta wixii lagu caawin lahaa.
Dalalkaas oo dareemaya culeyska xooggan ee saaran waxa ay billaabeen kulamo ku siman dhinaca telefoonnada si ay isaga xog-warreystaan qorshaha cusub ee dib u celinta loogu sameyn karo iyada oo aanay dhacayn wax qasbid ah.
Qaxootiga Suuriya waxa uu xooggooda barakacay intii u dhaxeysay 2014kii ilaa 2023 xiligaas oo Dalkooda ay ku kordhayn dagaallada u dhaxeeyay Maamulkii dhowaan la tuuray iyo kooxihii kasoo horjeeday, labada dhinac waxaa gacansiinayay Dowlado Shisheeye.