lammaanayaal badan oo Soomaaliyeed oo muddo nolosha wadaagayey, isla markaana aysan usuura gelin in ay gurigooda awlaad ku soo biirto, ayaa waqtigan sugaya ubadkii ugu horeeyey ee ugu dhasha habka bacriminta ugxaanta ee loo yaqaan IVF.
Howshan taranka bulshada ku saabsan ayaa waxaa sanadihii ugu danbeeyey dalka ka waday Isbitalka Marwo Fertility, oo fadhigiisu yahay gudaha muqdisho, kana shaqeeya arrimaha caafimaadka ee la xiriira qoysaska iyo taranka.
Dr Cabdiraxmaan oo ka mid ah maamulka Isbitalka Marwo fertilty ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey waxa uu yahay IVF, waxana uu yiri “Bacriminta gudaha vitro (IVF) waa mid ka mid ah dhowr farsamooyin oo la heli karo si loogu caawiyo dadka dhibaatooyinka bacriminta qaba inay ilmo dhalaan”
Sidoo kale Dr Xafso Cali ayaa VOA uga warantay maraaxilada ay maraan lamaanayaasha loo sameynayo nidaamka bacriminta ee IVF, iyadoo tiri ” ukun ayaa laga soo saaraa ugxan-sidaha haweeneyda waxaana lagu bacrimiyay shahwo shaybaar dhexdeeda. Ukunta la bacrimiyay, oo loo yaqaan embryo, ayaa lagu soo celiyaa caloosha haweeneyda si ay u koraan oo u koraan”
Caaliya Daahir Axmed, waxa ay muddo badan maanka ku heysay in nidaamka bacriminta ee IVF ay udoonato xarumaha caafimaadka ee ku yaalla dalka Hindiya, laakiin waxaa howshaasi ka caawisay isbitalka Marwo Fertility, waxana iminka ay ku jirtaa marxaladihii ugu danbeeyey ee habka bacriminta IVF, taas oo ka dhigan in iyada iyo sayigeeda ay naawilayaan ilmahoodii ugu horeeyey kadib sanada badan oo ay wada joogeen.
Soomaalida dhexdeeda qofka aan wax awlaad ah eebe ku arsaaqin, ayaa bulshada kala kulma erayo aan asluubeysneyn, balse howshan bacriminta ee IVF ayaa noqoneysa mid rajo badan galisay lamaanayaal dhowr ah, waxaana dhanka kale lagu micneynayaa tallaabo muhiim ah oo uu u qaaday caafimaadka Soomaaliya, taas oo looga maarmi karo in adeeg caafimaad loo donto dalka dibadiisa.