Koox caan ah oo u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku baaqaysa in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Sudan, kadib markii ay dhawaan ka dhaceen weeraro lagu dilay dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka Al-Gezira, kuwaas oo si weyn loogu eedeeyay ciidamada taageerada degdega ah, oo ka mid ah dhinacyada isku haya Sudan.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in xaaladdu ay noqotay mid aad u xun oo loo baahan yahay howlgal lagu ilaalinayo dadka rayidka ah.
Rabshadaha dagaalka ayaa dhibaato hor leh ku biiriyey xaaladda dalkaasi, waxaana si ula kac ah loo dilay dad badan oo rayid ah, iyadoo kuwa kalana ay wajahayaan cabsi ballaaran.
Dhibaatooyinka soo kordhay ayaa keenay in shacabku ay mar kale ka carareen goobihii ay soo maciinsadeen, waxaana hay’adaha xuquuqul insaanka ay dalbanayaan in ahmiyad gaar ah la siiyo bad-baadinta dadka rayidka ah, isla markaana Sudan la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah.
RSF iyo Milatariga Sudan ayaa dagaallamayey tan iyo bishii April ee sanadkii hore, waxaana labadan ciidamo kala hoggaaminaya Jeneralo iska soo horjeeda oo ku hardamaya awoodda, halka shacabku ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada wajahaya