Qarax ayaa kala dhantaalay dad badan oo u soo orday inay gurtaan shidaal ka soo daatay booyad shil ku gashay waqooyiga Nigeria, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 147 qof, sida ay saraakiil u sheegeen AFP Arbacadii.
Masiibadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee noocan ah oo ka dhacda Nigeria, xilli uu shidaalku noqday badeeco qaali ah, ayada oo dalka uu marayo mid ka mid ah xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa muddo jiilal ah.
Gaariga booyadda ayaa leexasho sameeyey si uu uga fogaado in uu ku dhaco gaari xamuul ah, gudaha magaalada Majia, sida ay booliska sheegeen.
Shilka ka dib, dadka deegaanka ayaa ku soo xoomay hareeraha gaariga, iyaga oo guranaya shidaal waddada ku daatay iyo gorgorka booyadda.
Hay’adda gurmadka deg-degga ah ee qaranka ayaa sheegtay in 147 qof ay dhinteen.
Guddoomiyaha dawlada hoose Hambali Zarga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tiradan ay tahay oo kaliya meydadka lagu aasay hal xabaal wadareed, wuxuuna ka digay in khasaaruhu uu sare u kaco.
Daraasiin dhibanayaal ah “ayaa u gubtay si aan la aqoonsan karin,” ayuu u sheegay AFP isagoo ku sugan qabuuraha.
Wuxuu sheegay in meydad badan lagu aasay meelo kale, halka ku dhawaad 140 qof oo dhaawac dadka deegaanka ah lagu daweynayo isbitaallada ku dhow.