Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in dhammaan dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo, taasi oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ay horay go’aan uga soo saartay.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu wargeliyay maareeyaha dekedda muqdisho, shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan cadde, iyo maamulka furdada inaan dalka la soo gelin karin bacaha halka mar la isticmaalo ee loo yaqaanno “bac qafiifta”.
Bacahan oo bedqabka deegaanka iyo noolahaba halis ku ah, islamarkaana waxyeello baaxad leh u geysta ayaa horay looga mamnuucay qaar kamida deegaannada Soomaalida.
Dhawaan ayey dowladda Soomaaliya shaacisay in ay gabi ahaanba dalka ka mamnuucday bacaha fudud, waxaana kal hore ay xabsiga dhigtay dad ka ganacsanayey bacahaasi.
Bulshada ayaa go’aanka qaarkood ka soo horjeeda, waxaana ay sheegayaan in aanay heysan waxyaabihii bacda u baddeli lahaa, taas oo dowladda laga rabay in ay qorshaha ku darsato.