Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho, laga billaabao 14-ka October.
War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howlgallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin.
“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in wax cabsho ah aanay uga imaan dowladda Kenya, waxaana dowladdu ay xustay in aanay ka warqabin sababaha go’aankan ku xanbaaray.
Maareeyaha guud ee Garoonka Muqdisho Mohamed Siciid Abdullahi ayaa sheegay in diyaarada Kenya Airways aanay waxba ka tabaneyn Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in cid walba ay u madax bannaan tahay go’aankeeda.
Mareeyaha guud ee garoonka Muqdisho ayaa tibaaxay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo daneyneysa in ay duulimaad ka sameeyaan garoonka Muqdisho, wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey inuu ixtiraamayo go’aanka Kenya Airways.
Hortabin Media oo ukuurgashay arrintan ayaa ogaatay in aanu jirin wax khilaaf ah, hase ahaatee go’aanka Kenya Airways ayaa ah mid ku saleysan ganacsi, waana kuwo saluugay dhaqaalaha uga soo xarood duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho.