Dowladda Itoobiya ayaa Taye Atske Selassie u dooratay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Itoobiya ee lixda sano ee soo socota.
Taye Selassie ayaa ahaa wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya, wuxuuna hadda bedelay Sahle Worke Sawde oo ah madaxweynaha xilka ka degay, taas oo masuulyadan heysay 6-dii sano ee la soo dhaafay
Madaxweynaha cusub ayaa cod aqlabiyad leh ka helay labada gole ee barlamanka dalka Itoobiya, waxaana fadhiga goobjoog ahaa 487-da xubnood, kuwaas oo dhamaantood codkooda siiyey.
Ninkan lagu magacaabo Taye Atske Selassie ayaa ku dhashay magaalada Debarak ee Waqooyiga Gonder ee Gobolka Axmaarada, waxana uu leeyahay qibrad shaqo oo aad u durugsan.
Madaxweynaha cusub ee Itoobiya ayaa cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka bartay jaamacadda Addis Ababa oo, isagoo sidoo kalana uu shahaadada labaad ee Master-ka ee xidhiidhka caalamiga ah iyo daraasaadka istiraatijiyadeed ka qaatay jaamacadda Lancaster ee dalka Ingiriiska, wuxuuna hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkiisa, safaarado ku yaalla wadamo kala duwan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Hay’adaha QM.