Qaad- ama Jaad Mandooriyaha ay Soomaalida soo sii siistaan dhaqaalaha aadka u faraha badan, balse caqabad dhaqaalle iyo mida bulsho ku hayo dadka Soomaaliyeed.
“Waxey Cunada Inoogu keenaan Miiskeena” waa hadalka mid ka mid ah Dhallinyarada deegaanka Meru ee dalka Kenya, waana aragtida ay aaminsan yihiin badi Shacabka Kenya .
Deegaanka Meru ee bariga dalka Kenya, waa goobta uu ka baxo Qaadka Mirowga ee Soomaaliya loo soo dhoofiyo, waxaana bulshada deegaankan oo 80-kun lagu qiyaaso uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay Beeraha Jaadka iyo lacagta faraha badan ee laga helo Soomaalida.
Tani waxey Soomaaliya ka dhigtay in ay noqoto dalka seddexaad ee ay kenya ka hesho dakhliga ugu badan guud ahaan afrika, sababo la xiriira qaadka xad dhaafka ah ee Soomaaliya usoo dhoofiso.
Bilo Kooban kadib markii la qaaday xayiraadii Jaad Kenya ee suuqa Soomaaliya, waxaa soo if-baxay in boqolkii 33.5 uu kor u kacay dhaqaalaha dalkaasi, waxaana 4-tii maalin ee ugu horeysay ay kenya Soomaaliya u soo dhoofisay 81.4tan oo qaad ah oo qiimahoodu yahay 2 milyan oo dollar.
Dib u fasaxidii qaadka 21 casho kadib-na waxey warbaahinta dalkaasi qoreen in Kenya ay suuqa jaadka Soomaaliya ka sameysay lacag cadadedu tahay $8 milyan dollar, ilaa iyo iminkana ma jirto badeeco qiimahaasi u dhaw oo ay Soomaaliya u dhoofiso Kenya.
Keliya Tanzaaniya iyo Ugandha oo ay badeecooyin muhiim ah u dhoofiso Kenya ayaa ka horeeya Soomaaliya, taas oo muujineysa halista uu dalkani wajahayo.
Dowladda iyo madaxda iminka talada heysa waa kuwo kaalin weyn ka geystsay dib usoo laabshada suuqa jaadka kenya ee Soomaaliya, waxaana cisha kasta Garoonka Muqdisho ka dega diyaarado sida Qaad aad u fara badan.
Caasimada oo qura waxaa maalintii gudaha u gala jaad gaaraya 5-kun 800 marfduuf, iyadoo halkii marduuf lagu canshuuro lacag dhan 4 dollar, taas oo ka dhigan in canshuurta dowladda ee jaadka maalintii ay noqoto 63-kun oo dollar.
Hase ahaatee sida Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya ay ka hor sheegeen fadhi uu kal hore Golaha Shacabku yeeshay, dhaqaalahaasi qeyb ka mid ah xitaa kuma dhacdo qasnada dowladda, waxaase taa baddelkeeda lagu naas nuujiyaa xubno ka tirsan qoysaska madaxda dalka ugu sareysa.
isku soo duub in dhaqaale intaas la eg la qubo maalinkii, haddana aanay dowladda wax fa’iido ah aysan ku dhicin qasnadeeda, ayaa iyaduna ah walaac xooggan oo ay muujinayaan dadka indheer garadka ah.
Marka laga soo tago Kenya, waxaa Soomaaliya qaad u soo dhoofiya Itoobiya, oo jaadka Hareeriga geysa gobolada waqooyi, waana arrin ka dhigan in Kenya iyo Itoobiya ay lacag adag ka sameeyaan Soomaaliya, halka Soomaaliduna aanay ku baraarugsaneyn ama aanayba wax weyn u arkin khatarta dhaqaalle ee ku soo fooda leh.
Dhanka kale 11 sano ka hor ayey ahayd markii Dowladda Ingiriiska ay ku dhawaaqday in ay dalkeeda gabi ahaanba ka joojineyso qaadka ka yimaad kenya, oo il dhaqaale iyo suuq muhiim ah u ahaan kenya waxaana ka sii horeeyey oo dhowr iyo labaatan sano ka hor jaadka laga mamnuucay Mareykanka.
Si Kastaba sanadkii 2016-dii warbixin ay soo saartay hay’ada caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO waxa ay ku sheegtay in qaadka uu sare u qaadi karo dhiik karka, hurdo la’aanta, iyo xanuuno kale oo dhanka dhmirika ah.
Gudaha Soomaalida Jaadka ama qaadka ayaa loo sababeeyaa dhibaatooyin fara badan, oo isugu bur burka qoysaska kan dhaqaalaha iyo dayaca ubadka.