Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey cirka isku shareeray xiisada ka dhex oogan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana khilaafkan ku guuldareysatay in ay xaliyaan dhinacyo badan.
Dowladda oo toddobaadkii la soo dhaafay Baydhabo u dirtay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa keeni waayey wax natiijo ah, waxaana xaaladdu ay maalinba maalinta ka danbeysa noqoneysaa mid ka sii dareysa.
Khilaafkan ayaa ka abuurmay taageerada ay Koonfur Galbeed u muujisay ciidamada Itoobiya, xilli la wada ogyahay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, oo waqtigan ah arrin u baahan midnimo Soomaaliyeed.
Lafta-gareen oo ah ninka majara habaabinaya bulshada Koonfur Galbeed, ayaa taageerada Itoobiya ku xeeladeysanaya doorashada Maamulkaasi oo iminka waqtigeeda la joogo, wuxuuna damaciisu yahay dib u dhigista dooraashada, taas oo ka careysiisay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba waxaa iminka Koonfur Galbeed ay dowladdu u dirtay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan, kaas oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, isla markaana xidid ay yihiin Lafta-gareen, oo ay u dhaxdo gabadha Jeneralkan.
Xasan Sheekh ayaa ku kalsoon in Taliyaha Ciidanka Asluubta uu leeyahay awooda xalinta khilaafkan, waxaana Villa Soomaliya ay diidan tahay in ay gacanteeda ka baxdo Koonfur Galbeed, xilli uu aad u hooseeyo xiriirka kala dhaxeeya Puntland oo iyaduna ah arrin walaaceeda leh.