Dowladda Turkiga ayaa xilligan qorsheyneysa in ay Soomaaliya ka furato xarunta lagu tijaabiyo Gantaallada dayax-gacmeedyada, sida ay sheegayaan xogo rasmi ah oo Hortabin Media heshay.
Turkiga ayaa doonaya inuu isku fidiyo Soomaaliya oo uu iminka ku leeyahay saldhig weyn oo Milatari, waxaana iminka Turkiga iyo Soomaaliya u socda wada hadal ku aaddan sidii uu qorshahani meel mar u noqon lahaa.
Billaabida arrintan ayaa waxaa udub dhaxaad u ah qorshaha kordhinta masaafada gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl), waxaana iminka Turkiga ay Soomaaliya u arkaan meeshii ku habooneyd.
Turkigu wuxuu muddo dheer gucla orad ugu jiray qorshaha ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer, waxaana sanadaha soo socda u qorsheysan in ay qeyb ka noqdaan tartanka Hawada Sare ee Caalamka, oo ay wadamo badan oo dunida ah ku baratamayaan.
Soomaaliya oo ay dacalka ka saaran tahay badweynta Hindiya ayaa Turkigu u arkaa meel ku haboon in laga gano gantaallada, oo loo tuurayo dhanka badda, waase qorshe dhaqan-galkiisa uu muddo qaadanayo, maaddaama iminka ay billaw yihiin wada hadalada arrintan ku qotoma ee labada dal u socda.