Waqtigan waxaa xaalad adag wajahaya tiro ka mid ah Macallimiinta magaalada Muqdisho, gaar ahaan maamullada Iskuulada iyo Jaamacadaha Caasimada ku yaalla, kuwaas oo ay dhawaan u yeertay Al Shabaab, isla markaana ugu tagay mid ka mid ah goobaha ay kooxdu ku dhuumaaleysato.
Macallimiintan badankooda ayaa qaatay amarka Al Shabaab, waxeyna tageen Hawdka Tuulada Tawakal oo hoostagta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay Al Shabaab ugu yeerto dadka ay dhaqaalaha ku tuhmayaan.
Tiro yar oo Macallimiin ah ayaa ka soo laabatay safarkii ay ku tageen Tuulada Tawakal, kadib markii uu soo dhamaaday qorshihii ay ka wada hadlayeen iyaga iyo Al Shabaab, balse waxaa Tuulada Tawakal ku haray tiro badan oo Macallimiintaasi ka mid ah.
Macallimiintan ayaa soo laaban waayey sababo la xiriira dowladda Soomaaliya oo heshay xogta ah in ay aadeen Tuulada Tawakal, taas oo ay dowladda si hoose uga ogaatay qaar ka mid ah Macallimiintii soo noqday ee Al Shabaab aadday.
Macallimiintan ayaa iminka wajahaya culeys daran, waxaana ay ku sugan yihiin dhulka hawdka ah, waxaana marba la geeyaa meel, sababo la xiriira cabsi laga qabo duqeymaha ciidamada dowladda iyo Saaxibada kaaba.
Ehelada Macallimiintan ayaa iyaguna wal wal ku sugan, maaddaama ilaa maalintii ay baxeen ilaa waqtigan aysan wax war ah ka helin, isla markaana Taleefanadoodii gacanta ay ka aruurisay Al Shabaab, oo si aad ah u diida in Taleefano lagu isticmaalo deegaanada ay joogaan, sababo la xiriira baqdin ay ka muujinayaa in xogaha meelahaas lala wadaago dowladda.
Si Kastaba dowladda Soomaaliya ayaa horey uga digtay in xiriir lala sameeyo Al Shabaab, waxaana Macallimiintan haddii ay soo nabad noqdaan la filayaa in xabsiga loo taxaabo, maddaama ay dowladdu horey u shaacisay cawaaqibka laga dhaxli karo in xiriir lala yeesho Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa inta badan deeganada ay ku dhuumaaleystaan ugu yeerto dadka ay dhaqaalaha ku tuhmeyso, sida Macallimiinta, Ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada kuwooda ladan, waxaana markii loo tago ay dadkaasi ku qoraan in ay bil walba bixiyaan lacago ay ugu yeeraan Sakawaat, iyadoo qofka diidana ay ugu hanjabaan in ay nafta dhaafin doonaan.